Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Biyaha Oo U Tafo Xaytay Sidii Uu U Burburin La’haa Wakaaladda Biyaha Burco Si Uu Meesha Uga Saaro Adeegyadda Bulshadda.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Agaasimaha guud ee wasaaradda Biyaha Somaliland Cabdirisaaq Naakhuude  ayaa u tafo-xaytay  mudooyinkii u danbeeyay sidii uu u burburin lahaa waxgaqabka iyo horumarka ay ku talaabsatay wakaaladda biyaha Burco sedexdii Sano ee u danbeeyay .

Agaasimaha oo xanuun ka qaaday horumarka wakaalada Biyuhu ku talaabsatay isla markaana ka mid ah raga Xukuumadda siilaanyo xilalka u magacawday ee waxqabadkeeda ka xun ayaa mudadii uu xilka wasaaradda biyaha hayay geed dheer u fuushanaa sidii uu saaxada uga saari lahaa hawlaha iyo adeegyadda ay bulshadda u fuliso Wakaalada Biyaha Burco ,waxaana cadaatay khaalfyo hor leh oo uu mudooyinkii u danbeeyay hadheeyay Wakaaladda in uu agaasimu masuul ka ahaa ,isla markaana uu soo istaadhaayay.

Biyo

Agaasimaha oo markii hore burburinta wakaaladda Biyaha Burco ka waday magaalada Hargeysa ayaa markii ay u suurtoobi-wayday  hada u yimi magaalada Burco kala daadinta Wakaaladda isla markaana bulshadda reer Burco ,uga jarilahaa adeegyadda Biyaha ee ay wakaaladu Bixiso siiso oo magaalada wada gaadhay .

Masuulkan ayaa bilaabay in uu iska horkeeno ,Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Burco ,Shaqaalaha iyo hawlwadeenadda Wakaaladda si ay hawlaha wakaaladu u fadhiistaan.

Lasoco warbixintan oo dhamaystiran qaybta danbe .