Baarlamanka Dawladda Federaalka Somalia Oo Maanta Kulan Loogu Qeybinayo Mowshin Ka Dhan Ah Raysal Wasaaraha‏

Filed under: Latest News |

Muqdisho(BM)-Barqanimada maanta ayaa lagu wadaa in Baarlamanka Somalia uu isugu yimaado kulan xasaasi ah oo ka dhacaya xaruntooda golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta ayaa xildhibaanada waxaa loogu qeybin doonaa qoraalo ku saabsan mowshin ka dhan ah raisul wasaaraha Somalia oo ay ku saxiixan yihiin illaa 168 xildhibaan sida uu sheegay xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xogheynada Baarlamanka.

“Marka xildhibaanada loo qeybiyo mowshinka waxay soo akhrisan doonaan muddo 24 saac ah, ka dibna doodiisa ayaa bilaabaneysa maalinta beri ah, waxaana loo yeeri doonaa maalinta xigta, raisul wasaaraha si uu isaga difaaco eedeymaha ay u soo jeediyeen xildhibaanada mowshinka keenay, intaa ka dibna codka kalsoonida ayaa loo qaadi doonaa xukuumadiisa” ayuu intaa ku daray xildhibaan Maxamed Cumar.

Waxaa kulanka maanta shir gudoomin doona gudoomiyaha baarlamanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari oo horey xildhibaanada ugu baaqay iney dhexdhexaad ka noqdaan khilaafka madaxweynaha iyo raisul wasaaraha ee sabata u ahaa in mowshinkan la keeno, inkastoo taas aan dheg jalaq loo siinin oo bedelkeed la kala taageeray labada dhinac, lana qaatay lacago laaluush ah.

 

Burcomedia.com

Hargeysa.