Ciidamadda Booliska Burco Oo Xabsiga U Taxaabay Arday Ay Iska Horkeeneen Wasiiro Uu Ka Midyahay Wasiirka Ciyaaruhu Oo Burco Ku Sugnaa Maalmihii U Danbeeyay.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)Ciidamadda nabadgelyadda gobolka Togdheer ayaa saaka Xabsiga ku guray tiro arday ah oo ay rabshado ku dhex-mareen magaalada Burco gaar’ahaan Dugsiga sheikh Bashiir ,kuwaasi oo ay iska horkeeneen Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Cali Siciid Raygal ,Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir iyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo maalmihii u danbeeyay Burco u joogay sidii ay bulshadda iskaga horkeeni-lahaayeen si uu khal khal nabadgelyo-daro gobolka uga dhaco .

Ardaydan walaalaha ah oo Rabshado goos goos ahi ku dhexmareen gudaha Dugsiga sheikh Bashiir ee  magaalada Burco isla markaana dhaawacyo fududi soo kala gaareen xubno ka mid ah  sida ay Burcomedia u xaqiijiyeen goob-joogayaal lagu kal soonyahay ayaa maanta dhamaantood xabsiga loo taxaabay ,waxaana iska kaashaday booliska amniga oo gacan ka helaayay,Waalidiinta dhashay ardaydan iyo Waxgaradka reer Burco oo si weyn u Fah-may in ay ardaydan uu iska horkeenay Xubnaha Madaxtooyadda laga soo diray ee Wasiiraka Ciyaaruhu horkacaayo  ,kuwaasi oo qorshan bilaabay ka dib markii ay Waji-gabax iyo diidmo qayaxan kala kulmeen Kulan ay Cuqaasha Burco la lahaayeen oo ay ku doonayeen ,Cuqaasha ,Waxgaradka ,Aqoonyahanka reer Burco Iyo Madasha Wada Tashiga iyo Xisbiyadda mucaaridka in ay isku dhuftaan .

VLUU L310W L313 M310W / Samsung L310W L313 M310W

 

Geesta kale labadan Wasiir iyo Xildhibaankan Munaafaqadda Burco ka dhex hurinaaya ayaa Kulankoodii ugu miisaanka weynaa ee ay Cuqaasha la qaateen markii uu guuldaraystay ,Habeen hore ilaa shalay  kulamo hoosaadyo la’lahaa ,ardayda waxkabarata Dugsiyadda Burco ee Dawliga ah ,waxaaney si gaara iyo si sare-ba u farayeen in ay rabshado magaalada ka abuuraan si ujeedooyinkii Siilaanyo u soo dhiibay u hirgalaan ,balse taasi badelkeeda waxa ku fah-may dadweynaha reer Burco oo cod dheer ku yidhi ,ardaydu isma dilayso idinkuna orda oo fariinta diciifka ah cidii Madaxtooyadda idiinka soo dhiibtay kula noqda ,Madasha Wada tashiga Iyo Xisbiyadda Mucaaridkana anagaa taageersan ,waana mawaadiniin sharaf ku leh Wadanka .

Maaha Markii u horeysay ee uu Cali siciid Raygal iska hor-keeno Dhalinyaradda Burco ,balse tan oo kale hore ayay u dhacday waxaana ka mid ahaa khilaafkii Gaamuray iyo Munaafaqadii uu dhex-dhigay Ciyaartoyga gobolka Togdheer.

Isku soo wada duuboo Qorshayaashan Munaafaqadaysan ee Xukuumadda Siilaanyo Burco ka bilawday ayaa qayb ka ah dhibaatooyinka Xukuumadda Siilaanyo Wadanka ka wado ee xiitaa golihii Baarlamaanka layska ka horkeenay. ,waxaaney arimuhu u muuqtaan in Xukuumadda Talada haysa calankeedii jeestay ,maadaama ay miciin biday in Shicibka iyo golayaasha qaranka mid-ba dhiniciisa laysku dhufto sidii Jabhadaha ,waxaana Hubaal ah in Madaxtooyadu wadanka Amnigiisa si cad u buburinayso markii ay Siyaasadeedii Fashilantay shicibkuna diiday .

 

 

Burcomedia.com

Burco Office.

.