Ciidamo Isku Dhaf Ah Oo Ka Tirsan Dawladda Somaliya Amisom Iyo Itoobiyaan Oo Ku Wajahan Degmada Buulo Burte .

Filed under: Latest News |

Ciidamo xalay iyo saaka ka dhaqaaqay magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan oo isugu jira kuwa dowlada, AMISOM iyo Itoobiya ayaa la xaqiijiyey iney ku sii jeedaan degmada Buulo Burde oo qiyaastii 100-km koonfur kaga toosan B/weyne.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in qorshuhu yahay mid lagu doonayo sidii Al-shabaab looga saari lahaa saldhigyada ay gobolka ku leedahay.

Waxay intaa ku dareen in ciidammo lugta ah ay xalay magaalada B/weyne uga baxeen laba jaho oo kala ah bariga iyo galbeedka saakayna ay ambabaxeen gaadiidkii dagaalka iyo taangiyada ay ciidamadaas wataan
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya oo dhinaca Bariga ku baxay ay gaareen deegaanka Garasiyaani, halka kuwa Jabuuti iyo kuwa dowlada Somalia oo iyaguna ku baxay dhinaca Galbeedka ay sii marayaan deegaanka Luuq-jeeloow, iyadoo qorshuhu yahay iney maanta gelinka dambe gaaraan nawaaxiga degmada Buulo Burde oo Al-shabaab ay ku xoogan tahay.

Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo Burde ayaa sheegaya in xoogaga Al-shabaab ee halkaas ku sugan ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ciidan ka dib markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan, hase ahaatee lama oga iney difaacan doonaan degmadaas iyo iney isaga baxayaan iyago aan dagaalamin.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku hanjabay inuu Al-shabaab ka sifeyn doono qeybaha ay gobolkaas ka joogaan ka dib markii bil gudaheed ay magaalada B/weyne ka dhaceen labo weerar oo ismiidaamin ah kuwaasoo salfaday nolosha dad kor u dhaafaya 50 qof oo shacab u badan iyo dhaawaca tiro kale