Culimadda Iyo Waxgaeadka Reer Burco Oo Cabasho Ka Dhan Ah Aflaanta Soomaaliga Ah Ee Telefishanadda Ka Baxa U Gudbiyay Wasaaradda warfaafinta.

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Culimadda iyo waxgaradka gobolka Togdheer ayaa cabasho ka muujiyay Filimadda Turkiga ah ee af Soomaliga ku baxa ee ay sii daayaan Talafishanada Madaxa banaanini ,kuwaasi oo ay ku sheegeen in ay dhaqan gadis ku wadaan bulshadda gaar’ahaan Haweenka iyo Caruurta..

Culimada iyo waxgaradka ayaa sidaasi ku sheegay Kulkan lagu daahfuraayay Ilaacadda Quraanka Kariimka ah ee qaybteeda Burco oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin kala gadisani   isla markaana waxay  ugu baaqeen Xukuumadda iyo Wasaaradda warfaafinta in ay arintaasi go’aan cad ka soo saaraan si dii bulshadda looga joojin lahaa.

“ Agaasime waxaad naga gaadhsiinaysaa fariin ,wasiirka warfaafinta iyo howlwadeenadeeda ,waayo umada qolo walba waxbay u xilsaarantahay ,idinka ilaahay waxa uu idinku ogyahay oo aad u xilsaarantihiin dhagihii umada ,umadu waxay ku baaba’daa wixii qalbigooda gala ee loo sheego ,runtii wasaarada warfaafintu waxay soo daysaa barnaamijyo wanaagsan oo wacdiyo iyo diiniba ku jiro ,laakiin waxa jira wax umadii iyo caruurtii baabiiyay oo haweenkii dhaqankoodii baabiiyay oo burbur xaga dhaqanka ah inagu wada ayaa jira ,waxaaney tahay Filimadda Turkiga ah ee talafishanadeena ka baxa ,waliba kuwa Privatka ah  ,waa arin runtii burbur dhaqan keenikarta  ,waxaana haboon in ay Dawladda iyo dadka masuuliyiinta ahi ka howlgalaan ,waxaad indhihiina ku aragtaan Filimadan dhaqan-xumada ah gabadh ninkeedii khiyaamaynaysa  ,Soddoh ninkeedii khiyaamaynaysa iyo Gabadh Afar nin isu keenaysa ,oo waliba waxaasi oo dhami af Soomaali ku hadlayaan markaa waxaanu leenahay culimo ahaan Dawladu iyadaa dalka ka masuul ahi arintaa go’aan haka soo saarto oo bulshada ha laga joojiyo Sidaasi waxa yidhi  Sheikh Cali Baashe oo ka mid ah culimada waaweyn ee gobolka Togdheer oo hadal ka jeediyay Munaasibad lagu daah-furaayay Ilaacada Quraanka Kariimka ah ee Burco..

Sidoo kale Maxamed Diiriye Xayd (Dibjir) oo isna ka mid ah waxgaradka gobolka Togdheer ayaa yidhi. “ Sidaa shee shekhu sheegay Wasaaradda warfaafinta Waxaanu ka codsanaynaa in ay la dagaalamaan aflaantan Af Soomaaliga ku baxaysa ee dumarkii iyo caruurtii xumaynaysa  ,ee habeenkii afarta boynijaho layska imanaayo guriga uu yaalo TV-gu ee filimadaasi ka socdaan ,waxaananu ka codsanaynaa Wasaaradda in ay aflaantaasi Talafishanada sii daaya ku wargaliyaan in ay waxyaabo kale ku bedelaan oo ay Xaadiisi ka midyihiin iyo dhaqankeeana suuban”.Sidaasi ayuu yidhi Dibjir oo ka mid ahaa Maayiradii soo maray magaalada Burco.

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Culimo kale oo ka mid ah culimadda gobolka Togdheer kuwaasi oo ka horyimi aflaantan.

Geesta kale Ilaacadan Quraanka Kariimka ah ee Burco laga hirgaliyay ayaa waxa maalgaliyay Shirkadda caalamiga ah ee Telesom ,isla markaana waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin uu ka mid ahaa agaasimaha wasaaradda Warfaafinta Somaliland iyo madax ka tirsan Shirkadda Telesom .

 

Burcomedia.com

Burco Office.