Dagaal Lagu Hoobtay Oo Maalintii 4aad Ka Holcaya Deegaamo Ku Yaala Bariga Jowhar Iyo Xukuumadda Soomaliya Oo Ka Gaabisay.

Filed under: Latest News |

Jowhar (BM)-Dagaalo qaraar oo maalintii 4aad galay ayaa ka sii socda tuulooyin ku yaala bariga magaalada Jowhar kaasoo dhexmaraya maleeshiyooyinka labo beelood oo halkaas wada dega iyadoo khasaaraha dagaalkaas uu haatan noqday mid tiro beelay.

Dhinacyada dagaalamaya ayaan waxba iskula harin, iyagoo maalmihii ugu dambeeyey dab la qabasiiyey tuulooyin fara badan oo ku yaala degaanada labada beelood ay ku dagaalamayaan.

Meydad fara badan ayaa la soo sheegayaa iney daadsan yihiin degaano howd ah oo halkaas ku yaala, kuwaasoo roobab xoogan dagaaladaas barbar socday ay ku da’ayeen, waxaana laga cabsi qabaa iney ka dhashaan cudurada faafa.

Dagaalka xoogiisa ayaa saaka ka socda tuulada Zabuun, iyadoo lacag cabsi qabo in dagaaladu ay ku faafaan degaano kale ay ku wada sugan yihiin labada beelood, iyadoo dagaaladii sadexdii maalmood ee la soo dhaafay la aaminsan yahay iney ku dhinteen in ka badan 50 ruux ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Dowlada Somalia iyo maamulka uga wakiilka ah gobolka Sh/dhexe ayaan illaa hadda waxba ka qaban sidii loo joojin dhiiga dadka walaalaha ee daadanaya, iyadoo odayaal isxilqaamay oo doonayey iney ku baxaan goobaha dagaalka ay suurageli weysay iney talaabo qaadaan sababo la xiriira rooobab isdaba joog ah iyo goobaha dagaaladu ka socdaan oo ah kuwo aad baaxad weyn.

Mid ka mid ah labada beelood oo la gubay tuulooyinkii ay degenaayeen ayaa ku eedeysay ciidamada dowlada oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iney colaada ka qeyb qaadanayaan iyagoo la safan beesha ka soo horjeeda, iyagoo xusay iney taas u hayaan cadeymo badan.

 

Burcomedia.com