Dawladda Somalia Oo Si Kulul Uga Jawaabtay Eedeymo Ay Ujeedisay Xukuumadda Somaliland.

Filed under: Latest News |

Muqdishi(BM)-Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumada federaalka Somalia C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si kulul uga jawaabay hadal maalmo ka hor ka soo yeeray dhigiisa maamulka Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo maalmo ka hor shir jaraaid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ku eedeeyey madaxweynaha Somalia inuu dhaqaale ku bixinayo sidii xasilooni daro looga abuuri lahaa degaanada Somaliland.

“Aad-baan ula yaabnay haddaan nahay dowlada Soomaaliyeed hadalkaas ka soo yeeray mas’uulkaasi sare ee ka tirsan maamulka Somaliland, maxaa yeelay dowlada Soomaaliyeed mas’uuliyaddeeda guud baa waxey tahay sidii dadka Soomaaliyeed ay nabadgelyo iyo xasilooni ugu soo dabbaali laheyd waajibkeenuna waa inaan ka shaqeyno sidii loo sii hormarin lahaa nabadgelyada ka jirta degaanada xasiloon ee maamullada Somaliland iyo Puntland’’ ayuu ku yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Somaliland uu jebinayo heshiisyadii ay horey u wada saxiixdeen labada dhinac oo qodob ka mid ah uu sheegayey in labada dhinac ay joojiyaan hadalada borobogaanka ah ee xumeynaya xiriirka iyo walaaltinimada.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in shacabka iyo maamulka Somaliland ay ugu hambalyeynayaan guulaha ay ka gaareen xasilinta nabadgelyada degaanadaas, isagoo xusay iney ku boorinayaan xoojinta arintaas.

Wasiir Guuleed ayaa sheegay in hadalada kulul ee hawada la isu mariyo ay caqabad ku noqon karaan sii socoshada wadahadalkii u socday labada dhinac oo uu xusay in dowlada Somalia ay diyaar u tahay iney sii wado.

 

 

Burcomedia.com

Hargeysa Somaliland