Dharaaro Xusuustood:- Somaliland Waa Dawladda Ugu Wanaagsan Ee Soomaali Samayn Kari Lahayd.M.S. Gees

Filed under: Articles-Maqaallo |

Sheekadu waxay ku socotaa wiil dhallinyaro ah oo reer maalqabeen ah ka dhashay iyo macallinkiisii iyo waayaha ay la kulmayaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin; qalafsanaan, dhulgariir, daacuun, burbur, af-duub, budhcad-badeed iyo dhibaatooyin kale.

” Waxyi iguma soo dego

Haddana wax ima seegaane

(Maxamed Cabdiraxmaan Lugooyo)

Qoraa Faransiis ah oo la odhan jiray Jean Voltaire oo lagu tiriyo waxgaradkii horomariyey fikirka aadmiga, ayaa qoray buug sheeko ah oo uu bixiyey Candide sannadkii 1759-kii isaga oo ku durayaa qolooyin ay fikirka ku kala duwanaayeen.

Sheekadu waxay ku socotaa wiil dhallinyaro ah oo reer maalqabeen ah ka dhashay iyo macallinkiisii iyo waayaha ay la kulmayaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin; qalafsanaan, dhulgariir, daacuun, burbur, af-duub, budhcad-badeed iyo dhibaatooyin kale.

Wax kasta oo ay mutaystaan waxa uu macallinku odhanayaa “This is the best of all possible worlds.” “Tani waa ta ugu wanaagsan dunida suurtagalka ah.” Sidaas oo kale waxa la odhan karaa “Somaliland waa dawladda ugu wanaagsan ee Soomaali samayn kari lahayd.” “Somaliland is the best of all possible Somali Governments.”

Ha iga degdegin akhariste, 1960 dawladdii gaaladu samaysay waa tii ay shadaafteeda laalaabatay 1991-kii, halka Djibouti waxa weli u nool tii Faransiisku u sameeyey iyada oo dugsanaysa Saldhigga Ciidanka Faransiiska; Kilinka Shanaad Itoobiya ayaa hadda u yagleeltay isku day badan oo dhicisoobay, kadib gacantana weli ku haysa. Soomaaliya hadda ayaa caalamku u dhiseen waraabe-u-taag dawlad lagu sheegay, balse way adag tahay in Soomali Dawlad samaysato, weligeedna hore uma samaysan Dawlad Dhexe oo waxay yihiin;

 Dad beelo u qaybsan oo Xeerkii Beeshu uu shaqeeyo oo ka xoog weyn yahay kii dawladda.

 Dad ku nool xoolo-dhaqasho oo waxay dunida ka iibshaan ay tahay xoolo nool oo keliya

 Dad aan dhulka wax kala soo bixin, badna hadalkeedaba daa, dad boqolkiiba toban (10%) ay awoodaan in afka Soomaaliga oo keliya ay akhriyaan oo qoraan,

 Dad boqlkiiba 99 (99%) aanay af kale aqoon oo ku hadlin Soomaali mooye.

Dadkaasi ma aqbalayaan Dawlad Dhexe oo iyada keligeed koote ku haysata hubka iyo xoogga (Monopoly of Violence) oo dadka jeelal ku xidha oo dhulka yeelata iyo khayraadka ku jira oo cashuur ka qaada dadka dhakhligooda iyo daarahooda, taas oo ah waxa dawladdu tahay. Awooddaas Dawladnimo Xeerka Beeluhu ma oggola, sidaas darteed way adag tahay in habka dunidu u taqaan dawladnimadu inuu ka hirgallo cariga Soomaaliyeed.

Nin maskaxda ka xannuunsaday oo la odhan jiray Marxuun Maxamed Cali Galaas ayaa lixdamaadkii soo saaray sheeko ah in uu Madaxweyne aan beel ahayn uu u sameeyo Jamhuuriyaddii Soomaaliya, waxa uu yidhi; “Beel walba xubin ayaan ka soo qaaday,  qolo madaxa, qolo majaha,…….sidaas ayaan qof ka wada kooban beelaha ugu sameeyey oo Madaxweyne uga dhigay dalkii.” Dharaarteedii dambe markii la weydiiyey Maxamed Cali Galaas inuu xalkii shaqeeyey waxa uu ku jawaabay; “Maya, qoladii majaha laga soo qaaday ayaa diiday oo xanaaqday oo tiri qoladii madaxa laga soo qaaday ayaa na qabsatay.” Waar bal day xikmadaas, weli tii ayaa taagan.

Somaliland waxa lagu dhisay Hab-beeleed, Shir-beeleed iyo saami-qaybsi ku salaysan habkaas beesha, kaas ayuu ku socdaa inkasta oo la isku dayeyo in bal loo hinqado dhinaca ilbaxnimada “one man and woman one vote” oo la qabto Doorashooyin, haseyeeshee weli xisbigii waa reer, Xildhibaankiina waxa lagu doortaa reerninmo, weli Golihii Guurtida waxa soo magacaaba beeshii, Magaalooyinku dhinacba beel ayaa ka degta, Toolooyinka beelo ayaa iska leh, Dhulka dawladi ma laha inkasta oo Dastuurku sidaas sheegayo Dawladda Hoose iyo Dawladda Dhexe midna dhul ma laha.

Marka Dawladda Hoose dhulka nashqadayso, waxa la siiyo dhul lagu magcaabay dan guud oo la isla oggolaaday. Dhulkaaas oo loogu talagay dugsiyo, cusbitaalo iyo wixii la mid ah adeega bulshada, waxa la oggolaaday lahaanshihii beesha ee dhulka.

Sidoo kale, Dhagax ama macdan kama qodan kartid haddii aan beesha meesha deggan lala heshiin, inkasta oo ay jiraan marar Dawladda Dhexe is-ilawdo oo ay waraaqo siiso dad ama shirkado iyada oo aan la soo marin hor-joogayaashii beesha, halkaasna waxa ka dhaca iska horimaad iyo muran oo aynu wada aragnay.

Ku-darsoo, Askarigu haddii uu wax dilo ama dilo beelo ayaa arrintii ka heshiinaya. Cashuurta waa in degmada wax laga siiyaa, degmada oo beel ah, haddii kale ma la qaadi karo. Dawladda waa in lagu kala qaybsadaa beelo, haddii kale beelo ayaa gadoodaya.

Dawladdu waa inaanay lacag badan yeelan haddii kale beel ayaa bursanaysa; waa inay ku jirtaa guryo iyo xafiisyo yar, halkaa tujaartu iyo ciddi shaqaysatay ay dhisato guryo dabaqyo ah oo Habka Beeshu ma oggola cid lacagtooda ku taajirta, haddii ay dhacdo waa gadood.

Waa Dawlad ka dhisan beelo federal ah. Sidaas ayaa nabadda iyo horomarku ku yimi oo ay ku socotaa oo waa isku wada mid maamulladdii soo maray Somaliland tubtaas uu dejiyey Habka Beeshu ee bulshadu fahmayso ayuun bay mareen. Waxa uun lagu kala roon yahay dhinaca farshaxanka iyo farsamada.

Tallaabo tallaabo ayaa lagu soconayaa, isbeddel degdeg ah ha haweysan, adiga oo weli socod baran. Dawladdii Askarta ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya iyo turjumaanadeedii Hanti-wadaaga sheegan jiray ayaa isku dayey isbeddel bulsho (Social Engineering) si fudud hal fac qudhihii ma beddeli karo dhaqan soo jireen ah ee waxa muddan in dhaqanka aanu kaa hor iman ee uu kula socdo oo ku kaabayo, haddii kale oo uu kaa horyimaado sidii dhacday wixii laga dhaxlaa burbur iyo bakaylo qalad.

Marxuun Cabdirisaaq Maxamuud Abubukar oo saraakiishii afgembiga 1969 samaysay ka mid ahaa xilal badana ka soo qabtay dawladdaas askarta, ayaa laga hayaa isaga oo qaxooti ku ah cariga Maraykanka hadalkan; “Waxan ahaa Sarkaalkii soo qabtay Marxuun Cigaal oo ahaa Wasiirka Kowaad ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya waqtigaas, markii aan u sheegay inaan kaxaynayo oo aan waddankii qabsanay ayaa Cigaal igu qoslay oo yidhi waar maad iska daysaan ma garanaysaan sida dadkan lagu wado eh. Waan xanaaqay markaas, hase yeeshee 21-kii sanno ee maamulka aan ku jiray ee arrintii isku dhabaqday, maalinkasta erayadaas Cigaal ayaan xusuusan jiray ilaa aan ka qaxayey Soomaaliya.” Markaa waxa loo baahan yahay siyaasad ah “do no harm’ ha uga darin bulshadu halka ay joogto waad ogtahay wax badan ma soo kordhinaysid oo xeerka iyo dhaqanka beesha ku salaysan ayaa ku dabraya.

Bal hadda fiiri qaybtan aan ku soo qaaday nin Ingiriis ah oo qoraaya oo ka hadlaya taariikhda dalkaas oo lagu tiriyo kuwii horseeday nidaamkan hadda dunidu ku dhaqanto ee Dimuqraadiga ah “Out of hard and bitter experience, Englishmen had come to learn that the remorseless incalculable power of the past over the present was not to be dispelled by the strivings of a single generation. From 1660 onwards, England was never again entirely to forget that the secret of the nation’s strength is to have the power of the historic past behind it, not against.” By S. Chrimes.” La soco qeyb kale oo xiiso badan

Maxamed Saciid Gees

Hargeisa