Faahfaahin Dheeriya Oo ku Saabsan khasaaraha Qaraxyadii Xalay Ka Dhacay Hotelka Maka Al-Mukarama Ee Muqdisho. Daawo Sawiradda.

Filed under: Latest News |

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Col. Maxamed Cumar Madaale ayaa sheegay in ugu yaraan shan ruux ay ku dhinteen, 25 kalena dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen qaraxaas kuwasoo uu xusay in dhamaantood ay ahaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Muqdisho(BM)-Waxaa soo baxaya Faahfaahino ku saabsan qarax xoogan oo xalay ka dhacay afaafka hore ee Hotel Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho kaasoo masuuliyadiisa ay sheegatay Al- kooxda Al-shabaab.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan oo gilgilay magaalada oo dhan ayaa ka dhashay gaari walxaha laga soo buuxiyey oo looga tegay banaanka hore ee hotelka Maka Al-Mukarama, waxaana sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Col. Maxamed Cumar Madaale ayaa sheegay in ugu yaraan shan ruux ay ku dhinteen, 25 kalena dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen qaraxaas kuwasoo uu xusay in dhamaantood ay ahaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Afhayeenka ayaa sheegay in qaraxa ka hor nin ka tirsan kooxda Al-shabaab uu soo galay hotelka Makka Al-mukarama isagoo wata Lap-top, ka dibna waxaa uu uu xusay inuu galay goobta lagu shaaho ee hoteelka, uuna isku dayay ayuu yiri inuu garabka ka soo siibto Lap topkii uu watay oo uu miiska saarto laakiin waxaa ka dhacay qarax yar kaasoo uu muuqday sida uu yiri in wixii uu soo diyaarsaday ay wax ka qaldameen ka dibna shacab goobta joogay ayaa ninkii gacanta ku dhigay.

“Intii aanu howlaneyn baaritaanka nin la qabtay oo doonayey inuu isku qarxiyo gudaha hotelka ayaa gaari la dhigay banaanka uu qarxay kaasoo la damacsanaa in dad badan lagu xasuuqo” ayuu intaa ku daray Col. Madaale oo intaa ku daray in weerarkasi uu ahaa mid fashilmay oo aan laga gaarin danihii laga lahaa.

Xarakada Al-shabaab ayaa weerarkan sheegatay iyadoo afhayeenka dhinaca howlgalada ee kooxdaas Shiikh C/casiis Abuu Muscab oo war kooban oo uu siiyey wakaalada wararka reer galbeedka qaarkood ku sheegay in qaraxaas ay la beegsadeen hotelka Maka A-Mukarama oo buu yiri ay degnenayeen madax ka tirsan dowlada Somalia.

 

Muqdisho