Rag Hubaysan Oo Ganacsade Caan Ah Oo Soomaaliyeed Ku Oo Dilay Magaalada Johanesburg Ee Koonfur Afrika

Filed under: Latest News |

Johanesburg(BM)-Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay waxa ay Dukaankiisa ku dileen ganacsade Soomaali ahaa si weyna looga yaqaanay Magaalada Johanesburg ee Dalka Koonfur Afrika.

Dilka Ganacsadahan ayaa ka dhacay Tuulo Hoos tagta Magaalada Johanesburg, waxaana la sheegay in Kooxaha hubeysan markii ay galeen dukaanka ay rasaas ooda uga qaadeen halkaasna ay ku dileen Ganacsade Cali Sheekeeye halka uu ku dhaawacmay weerarkaasi nin isna lagu Magacaabo Ciise Madoobe.

Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Koonfur Afrika ayaa ka hadlay Weerarka lagu qaaday Dukaanka ganacsi ee Soomaalida laheyd waxa uuna sheegay in Ganacsadaha la dilay uu ahaa nin si weyn looga yaqaan Johanesburg geeridiisana aad looga wada naxay.

Ma jiro ilaa hadda cid ciidamada amaanka South Africa usoo qabteen Dilka Ganacsadahan Soomaaliyeed ee xalay ka dhacay Tuulo hoos tagta Magaalada Johanesburg .

Dalka Koonfur Afrika waxaa caadi ka noqday Dilalka iyo dhibaatooyinka loogu geesto Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyadoo Booliska dalkaas aysan ilaa hadda talaabooyinkii loo baahnaa ka qaadin arintaas.

 

Burcomedia.com