Garoonka Diyaaradaha Hargeysa Ee Isu Rogay Harrada Biyaha Ahi, Waa Fadeexay Dul Hoganaysa Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Duulista.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Garoomada diyaaraduhu ka duulaan ee caalamku waa meelaha inta badan laga dheehdo horumarka ay umada ku dhaqan dalkaasi ku talaabsatay. waa meelaha laga helo dhaqanka iyo ilbaxnimada ka jirta dalkaas iyo dadka ku noolba. waa meelaha qofka soo booqanayaa dalka uu ku yaalo garoonkaasi (airport) uu ku qiimeeyo waxqabsiga, aqoonta, dhaqaalaha iyo dabeecadaha ay leeyihiin dadyowga halkaa ku dhaqani.
Airport
Sida aynu la socono waxuu garoonka diyaaraduhu ka duulaan ee caasimada hargeysi (Igal international Airport) xidhnaa mudo ka badan sanad. waxaa laynoo sheegay in lagu sameeyey dib u dhis, ayna ku baxday lacag dhan $4.500 000 dollarka maraykanka ah. balse waxaa muuqata cadaatayna oo aan qofna ka qarsoonayn maanta inaanay jirin wax laga qabtay baahiyihii aasaasiga ahaa ee garoonku u baahnaa. sida laydhka, wadada diyaaraduhu ka duulaan soona caga-dhigtaan (runway) iyo dayrkii loo baahnaa inoo kala sooco garoonka iyo dhulka intiisa kale (fence), muhiimna u ah badbaadada iyo nabadgelyada garoonkaba.

Waxaa markhaati u ah waxyaabahaa aynu soo sheegnay waxii ka dhacay Garoonka hargeysa maalmihii aynu soo dhaafnay taasoo runtii ku noqotay qaranka Somaalliland fadeexad iyo weji gabax, kana dhigtay meel aan laysku halayn karin. waxay ahayd inay garoonka hargeysa soo fadhiitaan ugu yaraan afar diyaaradood shalay oo ku beeganayd 12/11/2013 hase yeeshee waxaa diyaaradahaa loo weeciyey Diri-dhaba, Berbera iyo Jabuuti markii garoonkii noqday harro biyo ah. waxaa la yaab leh, waxaa laynoo sheegay ceeryaan awgeed inay diyaaraduhu la soo fadhiisan kari waayeen, balse waxaa xaqiiqo ah inay laydh la,aaan, maamul xumo, runway la’aan iyo dayac badan oo aan lasoo koobi karayn diyaaraduhu la soo fadhiisan kari waayeen. ma jirin wax wara oo la siiyey dadkii rakaabka ahaa ee sugayey inay diyaaradahaa raacaan, waxaa loo sheegay oo qudha inay guryahoodii aadaan markii ay in badan sugayeen diyaaradihii ay raaci lahaayeen imana waayeen.

Waxayse in badan umadu is waydiinaysaa meeday lacagtii loogu talo galay in garoonka lagu dhiso?. waxaa la dhisay oo layna tusay, oo madxweynuhu xadhiga ka jaray afar guri oo yaryar iyo wax loogu yeedhay VIP. su’aashu waxaa weeye, hadii aadan runwayba lahayn ay diyaaraduhu soo fadhiistaan yaad ugu talo gashay oo ku nasanaya VIP-da?. hadii aan garoonku dayr lahayn yaa ka masuula nabadgelyada socotada iyo diyaaradaha isticmaala garoonka?. miyaan la odhan karin xukuumadani waxay isku dayaysaa inay dadka cadceeda sacabada kaga qariso oo aan suurto gal ahayn.

Waxaa cad in la lunsaday lacagtii loogu deeqay in lagu hagaajiyo garoomada somaliland, waxaa markhaati ma doona inay lacagtaa lunsadeen wasiirka iyo dad gaara oo awood ka haysta madaxweynaha somaliland. waxaa muuqata inuu madaxweynuhu raali ka yahay inaan arintaa waxba laga qaban, baadhitaana lagu samayn sababtoo ah isaga iyo qaraabadiisa ayay soo fadhiisanaysaa. waxaa aynu in badan aragnaa in marka wax dhacaan ee umadu soo jeesato ee tidhaahdo wax baa khaldan dadka lagu jaha-wareeriyo xadhig-jar iyo dhagax-dhig cusub oo aanay jirin wax ka hirgalay ilaa hada.

Gebagebadii waxaa la gudboon umada reer somaliland in fadhiga ka kacaan lana xisaabtamaan ciday wax u dhiibteen, iskana ilaaliyaan in danahooda lagu baylihiyo iska hor keen, hantidoodana lagu boobo sifooyin khaldan. waxaana muhiima in la ogaado inaanay hantida umadu ahayn wax layska musuqmaasuqo layskana ilaawo, waxaana jiri doonta in maalin xisaabi ay dhici doonto qof walbana heli doono abaalkiisa, lagana jari doono waxuu musuqmaasuqay, laguna abaal-marin doono wax qabadkiisa iyo wanaaguu sameeyeyba.

Wa Billaahi Towfiiq

fuaad04@yahoo.co.uk