Geedi Socodka Horumarka Somaliland iyo Gaabiska Ku Yimi Xukuumada By: Wariye Sakariye Sh Maxamed (Jaylaani)

Filed under: Articles-Maqaallo |

    

Dalka kasta oo aduunyada kamida waxa ka jira maamul,  maamulkastaa  waxa uu ku dadalaa sidii uu uhorumarinlha dalkiisa waxa Somaliland ukala danbeeye afar dawladood oo mid waliba ay haysay mudo lagu gaadho horumar muuqda  hadii aynu eegno sadexdii xukuumadood ee ka horeeyey xukuumadan haatan talada haysa sadexda xukuumadood ee hore waxay soo qabateen mid waliba waxqabad dhaxalala hadaba waxa Somaliland laa soo saray badwayn ay adagtay  sida looga baxo waxaana ka soo saaray dawladihii ka horeeyey dawlada haatan jirta  dawladahaasiwaxay nabad ka dhaliyeen guud ahaan gayiga Somaliland waxay sameeyeen ciidan qaran  oo difaaca shacabka usoo halgamay xoriyada waxay abuureen kalsooni iyo walaalyn laga dhex sameeyey guud ahaan shacabwaynaha Somaliland waxay sameeyeen sidii dalkan uga samaynlahaayeen doorashooyin xor iyo xalaala oo ay ku qancaan shacabwaynaha Somaliland  hadaba ay hadii waxayaqabahaa aynu soo tilmaanay iyo kuwo kaleba ay qabteen saxedii xukuumadood ee dalka ukala danbeeyey maxay qabatay xukuumada haatan talada dalka haysaa? hore ayay somalidu utidhi ha jeclaysan qofna necbaan doontaana mooyee waxan taa uga jeedaa halkii laga filayey xukuumada iyo halka ay manta joogtaa waa labo kala duwan xukuumadu may ahayn mid beel kamida beelaha daga Somaliland ay dooratay waa mid ku soo baxday boqolkiiba todobaatan iyo shan codka tiradii codbixiyayaasha Somaliland waa mid hawd galbeed bari ilaa waqooyi looga codeeyey waa mid layslahaa horumar iyo cadaalad warta ayaa horseedi doontaa hadaba odhaah baa jirtay ay somalidu odhan jirtay oo tidhaahda (buurbaa foolatay foolatay oo irbad dhashay) taa macnaheedu waxa weeye halkii laga filayey xukuumada manta talada dalka haysa iyo halkay is dhigtay waa laba kala duwan   hadaynu dib ueegno cawaaqib xumadii ka dhalatay doorashadii golayaasha deegaanka ee dabayaaqadii sanadkii hore dalka ka qabsoontay iyo iyo colaada dami la ee ay ku reebtay deegaanada galbeedka Somaliland ee beelihii walaalha ahaa ee wada daganaa ay ku coloobeen taas ma waxaynu odhankarnaa waa doorasho xor iyo xalaala ? shacabka Somaliland way arkaan cadaalad xumada ka jirta dalka way arkaan in lagu dangaadhayo oomaalinta doorasho jirto ama nin siyaasiyii uu dan leeyahay uun la soo qoranayo buug uu ku soo qoro horumar aan afka dhhafsiisanayn maaha dadku xoolo saylad jooga waa dadkii dalkan lahaa waa dadkii usoo huray naftooda iyo maalkoodaba halga daayo kudanaysiga uu kolba siyaasi shan ulacararayo koox waa in lagartaa masiirka ay ka dhex leeyihiin dalkan   Shacabkana waxan leeyahay haydiin kala soocnaadaan qofka danta guud wada iyo ka la ordaya danta gaarkaa