Guddida Horumarinta Beesha Ciidagale Oo Qaadacday Tirakoobka Dalka Ka Socda

Filed under: Articles-Maqaallo |

Hargeysa (BM) – Guddida horumarinta Beesha Ciidagale, ayaa ka hor yimid tirakoobka wasaaradda qorshaynta iyo hay’addaha UNFPA dalka ka wado, waxayna sheegeen inaanu ahayn sidii ay hore uga filayn.

War-saxaafadeed guddidaasi shalay Hargeysa ka soo saartay isla-markaana uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha guddidaasi C/rashiid Maxamed Jaambiir, ayaa u dhignaa sidan:- “Waxay guddida Guud ee Beesha Ciidagale u sheegeysa bulshada Somaliland inay aad ugu hanweynayd tiro koobka ay ku hawlantahay Wasaarada Qorsheynta Qaranka.Waxaannu filaynay inuu tirokoobkaasi wax-weyn u soo kordhin doona xogaha qaran ee loogu baahan yahay badhitaaridda habsami u socodka horumarkeena iyo xoojinta nidaamka Dimoqoradiga ah ee aynu qaadanay.

Waxa markiiba soo ka baxay degmoomiyin badan oo walaac ka muujiyey farsamo xumada barnaamijka iyo habka loo maamulay oo ay ku jirto xulashada aan isku dheeli tirneyn ee ku saabsan goobo-tirokoobyada.Walaacaasi oo bulshada degmooyin badan ku muujiyeen mudaharaadyo salmi ah oo keenay iska horimaad ka dhacay bulshada gadooday iyo xoogaga amaanka oo keentay in dad badan xabsiga loo taxaabo oo ay ku jiraan xildhibaano deegaan oo dadku soo doortay.

Guddidu iyagoo ka xun dhacdooyinkaa lama filaanka ah ayay cabashooyin kalana uga yimadeen degmooyinka M/Haybe, M/Mooge iyo Salaxley oo kala ahaa:

b) In kooxaha tirokoobka ee loo kala diray degmooyimka Hargeysa aan lagu saleynin si isku-dheelitiran oo cadaalad ah iyadoo loo diray degmada M/Haybe tiradii ugu yareyd oo ahayd 3 kooxood halka degmooyinka kale intooda badan loo kala diray 5 kooxood.

t) Iyana Degmada Salaxley iyo 33 tuulo ee hoos yimaada ay ka maqan yihiin liiska goobo-tireedyadda oo xitaa hal tuulana aan lagaga soo darin.

Markii aanu falanqaynay tabashooyinka nooga yimid saddexda degmo, ayaanu ku dhaqaaqnay xog-ururin xaqiiqa raadin ah oo aannu ka bilaabney Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Nasiib darro, guddida xaqiiq-raadinta ahayd kumay guuleysan inay la kulanto Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee (W/QQ) oo xafiisyadooda ka maqnaa.Lakiin waxay la kulmeen guddidu sarakiil sare oo ka tirsan waaxda u xilsaaran fulinta barnaamijka tiro-koobka.

Waxay guddidu, iyadoo ka duuleysa, go’aamadii guddida guud ee Beesha weydiisay saraakiishaas su’aalo farsamo ahaan la xidhiidha sida barnaamijka loo habeeyey oo kuu cadeyn kara xaqiiqada ku duugan barnaamijka. Waxay kala ahaayeen su’aaluhu sidan hoos ku qoran:

1.  Liiksa muunada tiro-koobka (sample Survey) ee gobalada iyo degmooyinka dalka maxaa lagu saleeyay?

b) Ma waxaaWasaaradu soo qaadatey qaab dhismeedkii gobolada iyo degmooyinka ee cahdigii Maxamed Siyad Barre ee ahaa shan 5 Gobal iyo 18 degmo ; mise

t) waxaad la dhaqan geliyey ta xeerka  gobolada iyo degmooyinka ee aynu doorashada ku galney ee ah 6 Gobal iyo 23Degmo;mise

J) Waxa ku xulateen oo barnaamijku  xambaarsanyahay qaab dhismeedkii ay dawladii Madaxweyne Riyaale ay samaysay wakhtigii kala guurka ee ka horeeyay doorashadii madaxweynaha (2010) kana koobnaa 13 Gobal iyo 65 Degmo.

Ta ku saabsan Degmada Hargeysa waxay guddidu weydiisay Wasaarada Qorsheynta su’aalaha soo socda.

2) Liiska muunada tirokoobka (simple Survey) maxaa iyana ku saleyseen.

b) Ma waxa qaadateen afartii(4) waxood ee xiligii dawladii Siyaad Barre, mise waxaad dhaqan-galiseen sideedii (8) waxood ee golaha deegaanka caasimadu anasixiyey ee hadda lagu shaqeeyo, kana turjumaysa xaalada dhabta ah ee jirta.

t) sideebaa laamaha goob-tireedyada degsiimooyinka loo xushay ee hada liiskiina ku qoran ee aan isku dheelitirneyn.

Maxaa se ku sababeyseen xulashada

x) Hadii liiska xulashadu aanay dheelitirneyn oo aanay si siman looga soo qaadin degmooyinka Hargeysa iyo laamaheeda miyaanay xog- ururinta ka soo bixi doonta aanay cadaalad daro keeneyn, dhaawacna ku samaynayn natiijada xog-ururinta.

Kadib dood dheer oo kala dhex martay guddida xaqiiqo-raadinta iyo wasaarada Qorsheynta waxaa guddida guud ee beesha u soo baxay xogtan hoos ku qoran.

1)  Wadatashi la’aan iyo wacyigalin la’aan awgeed, ayaanay bulshada Somaliland ogeyn xaqiiqada mashruuca tiro-koobka

2)  Sahankii ugu horeeyay ee qorsheeyay goob-tireedyada gobolada iyo degmooyinka oo khaldanaa taasoo Wasaaradu noo sheegi kari wayday sida ay u qeybisay waaxaha liiska ku qoran ee gobalka Maroodi-Jeex.

3)  Habka xulashada gobalada iyo degmooyinka oo si siman aan loo qorsheyn taasoo keentay in qaar badan laga tagay

4)  Tusaale ahaan, degmada Hargeysa oo ka kooban 8 waaxood oo shaqeeya oo ay ansixiyeen golahii deegaanka ee hore ayaa 5 keliya u qoranyihiin wasaarada oo ay muunada ka doorteen.

5)  Barnaamijka tiro koobka ee ay iska kaashadeen Wasaarada Qorsheynta iyo Ha’yadda UNFPA ayaa cadaatay inaaney ka turjumeyn xaqiiqada dhabta ah iyo danaha Somaliland sababta oo ah in barnaamijkaas aan loo tolin

danaha  Somaliland .Waxaana caddeynaya, diidmadii xukumadu ka soo saartay natiijadii wajigii kowaad ee tiro-koobkan oo soo saray inay Bosaaso ka dad badantahay Hargeysa, Putland ay Somaliland ka dad badantahay,

Gabagabadii

Hadii aanu nahay Guddida Guud ee Beesha Ciidagale markii aanu xaqiiqsanay asbaabaha kor ku xusan oo dhan, waxaanu gudoonsaney in barnaamijka tiro-koobka hada socdaa aannu dadka iyo dalka Somaliland midna dan u aheyn.

Sidaas daraadeed,barnaamijka socda kuma qanacsanin, wixii natiijo ah ee ka soo baxana nama khusayso.

Waxaannu markaas kula talineynaa xukuumada Somaliland, iyadoo daneynaysa horumarka,nabadgelyada iyo xasiloonida bulshadeeda inay dib uga fiirsato fulinta mashruuca.

Alla Mahad  Leh

Wabilaahi tawfiiq.

C/rashiid Maxamed Jaambiir

Guddoomiyaha Guud ee Beesha Ciidagale.

 

Geeska