Gudida Horumarinta Biyaha Gobalka Togdheer Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay Wakaaladda Biyaha Burco.

Filed under: Latest News |

Burco (BM) Shir-Jaraid Oo ay Gudaha Magalada Burco ku Qabteen Gudida Horumarinta Biyaha Ee Gobalka Togdheer ayaa Beeniyay Warar Shegaya in ay Jiraan Biyo La-aan qaybo ka mid ah ka  Magalada Burco.

Gudidan Oo  Kormeer Baladhan ku Soo Maray Ceelasha Biyaha magaalada Burco ayaa   Sheegay in Ceelashaasi si Habsami la-a u shaqaynayaan ,Balse ay Jireen Laba Ceel Oo Ciladoobay Todobadkani.

Kuwaasi Oo ay Shegeen in Qalabkoodu Looga Diray Dubia Balse ay Wakhtigani Yihiin Kuwo si Fiican u Shaqaynaya.

Wakaaladda1 Wakaaladda 2

Maareye ku Xigeenka Wakalada Biyaha Burco Faarax Cali Yuusuf oo ugu horeyn arintan ka hadlay ayaa yidhi. “Waxaanu Been abuur cad ku Tilmaamay Biyo La-aanta la sheegay in ay Burco ka jirto
” Waxaan kale oo aan Cadaynayaa in Aanay Haba-Yaratee Jirin Wax Biyo  la’aani ,Dadkii Shalay Hadlay Ee Lahaa Sadex Ceel Oo Biyo ah ayaa Fadhiya Waxaan Leeyahay Waxba Kama Jiraan Sadexda Ceel Ee ay Sheegen, Waa Laba Ceel Oo Kaliya.

28 Bishan ayaa waxa dhacday inuu yara Ciladoobay Ceel ka mid ahi ,Dabadeed-na Qalabkisii Dubia ayaa u Dirnay Imikana si Fiican ayuu u shaqaynayaa,Wasiirka Biyuhuna Markii Uu Burco Yimi Wuu arkay Ceel Kaliya Oo Fadhiyana ma Jiro ” Ayuu Yidhi Maareye Ku Xigeenka Wakalada

Maxamed Diiriye Xayd Oo ka Mid ah Gudida Horumarinta Biyaha Burco Oo isaganu Halkaasi ka Hadlay ayaa Tilmaamay in Aan Wakhtigani Loo Baahnayn in la jaahwareeriyo Bulshada Reer burco  isla Markaasna la Sheego Biyo La-aan Aan Jirin Waxaana ka mid ahaa Hadalidisii
” Gudidayadani Waxay Masuul ka Tahay inay ka Hadasho Dhibta Gaadhaysa Bulshada isla Markaasna Masuuliyinta Wakaalada Biyaha tusto Wajibaadkeda Shaqo.Gudi ahaan anigu ma Nihin Shaqaale ka Tirsan Wakaalada.Ujeedada Aanu Maanta Shirka-Jaraid u Qabanynayaa Waa in Aanu ka Hadalno Biyo La-aan ka Shegay inay ka Jirto burco.Waxaanu Beeninaynaa in Aanu Jirin Biyo waa ka Dhacay Magalada.Burcana Waa la Ogyahayoo Waxay Hodan ku Tahay Biyaha ” Ayuu Yidhi Maxamed Diiriye
Cawil Cali Yuusuf Oo isaguna ah Gudomiyaha Gudidaasi ayaa Dhinaciisa Shegay in Biyo La-aanta Lagu Shegay burco ay Tahay Mid Aanay Haba-Yaratee Waxba ka Jirin.
isagoo arimahaasi iyo arimo Kale Oo Badanba ka Hadlaya Waxa Hadalidisii ka Mid ahaa
” Dhawaan Waxa Kormeer ku soo Maray Ceelasha Wasiirka Biyaha iyo Badhisaabka burco Haba-Yaratee Waxa Cilad iyo Biyo La-aan ah Oo ay ku Soo arkeen ma Jirto burco.Waxa Wax lala Yaabo ah Ceelkii Shalay ka Hadlayeen Booyadaha Badani Waxa Saaka Taagna Hal Booyad Oo Buuxda.Waxa Meesha Taala Booyadihii Shalay meesha Taagna Xagay Qabteen ayaa iswaydiin leh.aringu Waxaan u arkaa Qoloyinkaasi Booyadaha Ee Shalay Sida Mobile Wax Loogu Shubo ayaa Loogu Shubtay ” Ayuu Yidhi Gudomiyaha Gudidaasi

Si Kastaba ha ahatee Wakalada Biyaha Burco ayaa iyadu Wakhtigani ku Talaabsatay Horumar la Taaban-Karo.

 

Burcomedia.com

Burco Office.