Haayada Wadniga Ah Ee Yovenco Oo Bacaha Roobka Celiya U Qaybisay Boqolaal Qoys Oo Danyar Ah, Oo Ku Nool Magaalada Berbera

Filed under: Latest News |

 

SAWIRKA DEEQDA

Berbera (BN) Iyada oo magaalada Berbera ay ka dayaan roobab laxaadlihi 24kii sacadood ee la soo dhaafay oo sameeyey isu socodkii magaalada,kortaduna ay ka maqantahay magaalada Berbera. Halka dadka danyarta ee ku nool xaafadaha buulshada ah, ay biyuhu u galeen ka dib markii roobabkaa mahiigaanka ahi ay ka tureen bacihii ay kaga jireen roobka.

Haayada wadaniga ah ee Y

oven

co ayaa gurmad degdega ah,u samaysay dadkan danyarta ah waxaanay  u qaybiyeen boqolaal bacaha roobka celiya ah

Gudoomiyaha haayda wadaniga ah ee Yovenco cali jaamac caraale oo hadal kooban ka jeediyey goobtii ay bacaha ku qaybinayeen ayaa yidhi? ilaahbaa mahad leh,Nimca walibana nusqaanteeda ayay leedahay sida aynu la wada socono waxa magaalda Berbera ka dayay 24kii saac ee la soo dhaafay roobab mahiigaana,roobabkunu waxay saamayn ku yeesheen dadkan danyarta ah ee degan xaafada dhakhtarka xooga, dadkan waxaanu u qaybinay boqolaal ka mid ah bacaha roobka celiya, waana dad jilicsan oo u baahan gurmad degdega, hadii aanu nahay haayada wadaniga ah ee Yovenco waxaanu balan qaadaynaa dadkan iyo kuwa kale ee jilicsanba inta uu roobku socodo inaanu wixii taakulo ah ee aanu ku tari karno aanu ku tarno? gudoomiyaha haayada wadaniga ah ee Yovenco Mudane.Cali jaamac caraale ayaa baaq u diray dhamaan bulshada gobolka saaxil iyo soomaaliland-ba. Wuxuuna yidhi?? waxaan baaq culus u dirayaa,dawalada,haayadaha samafalka,bulshada gobolka saaxil iyo soomaaliland-ba inay gurmad degdega la soo gaadhan dadkan oo ah dad jilicsan una baahan hu iyo cuntaba?

 

Haayada wadaniga ah ee Yovenco ayaa noqonaysa gurmadkii kowaad ee gaadha dadkaa roobabku khasaaraha gaadhsiiyeen tan iyo intii ay roobabku ka dayeen magaalo xeebeda berbera

 

burcomedia.com

berbera office