Hambalyo iyo Soo Dhaweyn Boqor Cismaan Aw-maxamuud “BUUR-MADAW” Oo Taageero Mug Weyn Ku Biiriyey Xisbiga Waddani.

Filed under: Articles-Maqaallo |

bur

Guddida iyo taageerayaasha xisbiga WADDANI ee Isutaga Imaaraadka Carabta, waxay hambalyo iyo soo dhawayn u dirayaan Boqor Cisman Aw Mahamoud “Buur-Madaw” iyo taageerayaashiisa ku soo biiray xisbiga WADANI. Boqorkaas oo caan ka ah Somaliland gudaheeda iyo dhamaan deegaanada Somalidu degto, Africa iyo Asiyaba.

Boqorku wuxuu ku suntanyahay saraaxad, run sheeg iyo mabda adayg. Waxaanu qabnaa inuu Boqorku ku soo biirin doono xisbiga taageerayaal fara badan, dardar iyo miisaan siyaasadeed oo culus.

Waxaanu leenahay Boqor ku soo dhawaw gacmo iyo laab furan xisbiga WADDANI.

Waxaannu kale oo hambalyo u diraynaa Guddomiyaha Xisbiga, Gudoommiye KuXigeenka, Xoghayaha Guud, Masuuliyiinta kale iyo Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga meel kasta oo ay joogaan, ku biiritaanka Boqorka iyo taageeroyaashiisa.

Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo Hambalyo

 

 

Gudida Xisbiga WADDANI ee

Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE)