Hay`adda U Dooda Xuquuqda Dadka Ee Amnesty International Oo Dalka Qatar Ku Eedaysay In Shaqaalaha Ajaanibta Ah Ee Ka Shaqeeya Dalkaasi Loola Dhaqmo Sida Xayawaanka. –

Filed under: Latest News |

 

ad6bc1661008883d98ad925321e4aa69_L

Hargeysa(BM) Nov.18, 2013-‘adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty  international ayaa sheegtay in shaqaalaga ajnebiga ah ee ka shaqeeya warshadaha iyo ganacsiga dalka Qadar loola dhaqmo sida xayawaanka oo kale.

Hay’addan Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in shaqaalaha ajnebiga aan mararka qaar xitaa la siin wax mushaar ah,oo loo diido mushaharaadkii ay xaqa u lahaayeen,Hay’addu waxay sheegtay in mid ka mid ah maammulayaasha  shirkaduhu uu sheegay in shaqaalaha la joogaa ay yihiin xayawaan oo kale,hadalkaasi oo meel ka dhac ku ah qofka bani`adanka ah.

Warbixintu waxay sheegaysaa in shaqaalaha aanay haysan meel ku haboon oo ay degaan,Shaqooyinka ay qabtaan ayaa lagu sheegay inay tahay mid halis ku ah caafimaadkooda,kuwaas oo ka shaqeeya intooda badan warshadaha kala wax soo saarka ee dalkaasi,Waxaa kale oo ay hay’addu sheegtay in shaqaalaha mararka qaar aan wax mushaar ah la siin muddo bilooyin ah.

Dowladda Qatar ayaa dadaal ugu jirto sidii ay ku dhamaystiri lahayd dhismayaasha loogu talagalay koobka adduunka ee cayaaraha kubadda cagta ee sanadka 2022,Inta badan shaqaalaha ajnebiga ee warbixintan laga sameeyay ayaa la sheegayaa inay ka shaqeeyaan dhismayaasha kubadda cagta,balse dowladda Qatar ayaa sheegaysa in dalkaas aan laga oggoleen in lagu xadgudbo shaqaalaha ajnebiga,Waxaa dalka u yaalla ayay leeyihiin xeer ilaalinaya xuquuqda  shaqaalaha ajnebiga ee dalkaas ku sugan,sida ay sheegeen,shaqaalaha ajaanibta ah ee ka shaqeeya dalka Qadar ayaa intooda badan ah shaqaale ka soo jeeda dalalka carabta ee ay dagaaladu ka socdaan iyo qaar ka soo jeeda wadamada saxaraha ka hooseeya ee qaarada Afrika.

 

 

Burcomedia.com