Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Oo Si La Yaab Leh Loogu Soo Dhaweeyay Finland

Filed under: Latest News |

Helsinki-(BM)-Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Somaliland Ah-na Guddoomiyaha Golaha Wakiilada  Md. C/raxman Maxamed C/laahi ( Cirro)  iyo waftigii la socday ayaa soo gaadhay Caasimada Wadanka Finland ee Helsinki.

Gudoomiyaha iyo waftigiisan ayaa wuxuu kasoo kicitimay Somaliland maalinimadii khamiisti ee todobaadkii hore isagoo soo maray dalalka Imaaraadka iyo Ingiriiska,waxaanu xalay soo gaadhay Magaalada Helsinki e Caasimada Finland.

Gudoomiyaha iyo masuuliyiintan la socotay ayaa si layaab leh loogu soo dhaweeyay  Magaalada Helsinki , iyadoo ay gagida diyaarada kaga hor tageen maamulka sarre ee Xisbiga Waddani Laanta Finland iyo xubno ka mid ah Taageerayaasha Laanta Finland iyo Shacabka reer Soomaliland qaar ka mid ah. Waxaana loo galbiyey dhinaca iyo guriga uu ka degen yahay oo magaaladaas ku yaala.

Won1

Gudoomiyaha ayaa wuxuu ku yimi safar Qaarada Yurub, isagoo ka qayb gali doona shirar caalamiya oo ka dhacaya dalka UK iyo wadamo kale oo yurub ka mid ah qaarkoood.

Guddoomiye Cirro inta uu ku sugan Yurub waxa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda Baarlamaanada Wadamada Yurub ee uu marayo iyo weliba dadaxda dawladaha Isla Wadamadaas,

Dhanka kale wuxuu la yeelanayaa Kulamo kala duwan Jaaliyadaha Somaliland, iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani ee ku sugan Wadamada Yurub.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa hadalo kooban uu ka jeediyey garoomada London iyo Helsinki tilmaamay inuu ku faraxsan yahay safarkan uu ku yimaado Qaarada yurub, rajaynayana inuu wax badan ka qaban doono arrimaha qadiyada Somaliland iyo tan Xisbiga Waddani.

Maalmaha soo socda ayaa la iishaarayaa inuu la kulmo Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Helsinki, iyadoo lala soo socodsiin doono Jaaliyada iyo taageerayaasha Xisbigaba goobta iyo xiliga la qabanayo kulamadaas haddii ALLE yidhaahdo

 

Burcomedia.com