Itoobiya Oo Sheegtay In Ciidamada Ka Jooga Soomaaliya Ay Ka Mid Noqonayaan Howlgalka AMISOM

Filed under: Latest News |

Raisul wasaaraha Itoobiya Haile-mariam Desalegn ayaa sheegay in ciidamada itoobiya ay ku biiri doonaan howlgalka Midowga Afrika uu ka wado Soomaaliya ee AMISOM.

Desalegn ayaa intaa ku daray in qorshaha ciidamada Itoobiya loogu darayo kuwa AMISOM uu ku saleysan yahay sidii loo mideyn lahaa qorsheyaasha lagula dagaalamayo wax uu ugu yeeray kooxaha argagaxisada ah ee Somalia jooga.

“Itoobiya waxay diyaar u tahay iney ciidankeeda jooga Somalia ku biiriso howlgalka midowga Afrika ee AMISOM sida Kenya, Ugandha iyo dalal kaleba ciidankoodu uga mid yihiin” ayuu intaa ku daray Desalegn.

Raisul wasaaraha itoobiya ayaa hadalkan jeediyay xilli uu dalkiisa ku soo dhoweynayay Madaxweyne ku-xigeenka Kenya William Ruto oo dalka Addis ababa u gaaray si uu uga qayb galo kulan halkaas ka dhacayey.

William Ruto ayaa dhinacisa soo dhoweeyey go’aanka ay dowlada Itoobiya ku gaartay iney ciidankeeda ku biiriso AMISOM, isagoo xusay in arintaas ay xoojineyso sidii meel looga soo wada jeesan Al-shabaab oo uu xusay iney carqalad ku tahay nabada geeska Afrika iyo tan caalamka.

Itoobiya ayaa horey u sheegtay ineysan ciidamadeeda ka mid noqoneynin AMISOM, lamana oga waxa sababay iney go’aankaas wax ka bedelaan, iyadoo illaa hadda uusan jirin hadal ka soo baxay midowga Afrika oo ku saab sab hadalka Itoobiya.

 

Burcomedia.

Burco Office.