Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Ba Leh Oo Ka Dhashay Gaadhi Ay Miino Kula Kacday Magaaladda Burco

Filed under: Latest News |

Burco(BM) Qarax Xooggan ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay Magaalada Burco, gar ahaan  inta u dhaxaysa Xaafadaha Qasabka Iyo Hodan Qaylo , Qaraxan oo ahaa qarax Miino ayaa la kacay Baabuur uu lahaa  Taliyaha Saldhiga Dhexe Axmed Cawil Cabdilahi (Ganey) kasoo uu wakhtigaas watey Nin dhalinyaro ahi.

Qaraxan Ayaa khasaare weyn soo gaadhsiiyey Baabuurka ,iyo dadkii saarnaaba, waxana Ku dhintay Qof dumar ah oo ka mid ah Dadkii wakhtigaas baabuurka la socday oo laga soo Rawixiyey Aroos ka dhacayey Hotel Cigaal, halka Darawalkii Gaadhiga iyo 2 dumar ah oo kale uu soo gaadhay Dhaawacyo fududi, waxana Gebi ahaanba burbur xooggan soo gaadhay Baabuurkaasi..

Taliyaha Saldhiga Dhexe oo anu wax ka waydiiney khasaaraha baabuurkiisa iyo dadkii la socday soo gaadhay ayaa noo xaqajiiyey in qof dumar ah oo keliyi ku dhinteen dadkii kale se dhaawacyo fudud qabaan, baabuurkiisuna burburay, waxa markii qaraxu dhacay soo gaadhay goobta miiinadu ka qaraxday ciidamo boolis ah oo gaadh ka qabtay aaggaas, waxana weli ciidamadu ku hawlan yihiin baadhista iyo ilaalinta goobtii qaraxa miinadu ka dhacay.

Geesta kale qaraxyadda miinooyinka ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku soo badanaayay xaafadaha koonayaasha magaalada Burco ,waxaaney miinooyinkani ka midyihiin kuwii ay magaalada ku aastay Xukuumadii Siyaad Bare ,waxaase ku fashilmay in ay magaalada ka nadiifiso Xukuumadda Siilaanyo ,oo imika shaqadeedii noqotay iska horkeenka Bulshadda ,Ku Tagrifalka Hantida qaranka  iyo Kobcinta Qabyaaladda..

 

Burcomedia.com

Burco Office.