Kulmiye Marwal Oo Ay La So Daristo Khilaaf Siyaasadeed Meel A,an Loo Fadhiyin Bu Afka U Saara, Xashi Musa iyo Mohamed Ali Oday Maah Kuwo Lagu Shaan Badeyn Karo Shilka Ka Dhacay Kulmiye Dhexdiisa

Filed under: Articles-Maqaallo |

Mudo imika laga joogo wiig iyo badh waxa saldhiga xaafada Koodbuur ku xidhan laba oday o runtii sharaf iyo karaamo ku leh bulshada soomaliland, labadaasi oday oo kala aha Oday Xaashi Musa iyo G/Sare Mohamed Ali Oday – Xundub, ilaa hadda lama garaneyo ujeedada ay u xidhan yihiin iyo cida ka danbeysa xadhigooda, wa nasiib daro in loo aaneyo odayaashaasi karaamada iyo sharafta mudan shilkii foosha xuma e dhalinyaradu kula kaceen mujaahid Mohamed Kaahin Ahmed .

Runtii maaha odayaal lagu shaanbadeyn karo falkaasi wixishnimada ah e ka dhacay Hargeysa, waxad mooda in la doonayo in kiiskaasi lagu shaanbadeyo beesha ay kasoo jeedan odayaashu o ah beesha SMusa taasin maaha mid caqliga fayoobi qaadan karo,

 

Waxa muhiim aha in hoos loo eego dhibaatadan dhacday wixi sababey waxay aheyd e qoriyaha loogu so qaatey hogaanka sare xisbiga kulmiye haddan aragtideyda ka dhiibto iyo sida ay dadbadan ila arkan waxa sababey  shirweynaha xisbiga oo la isku maan dhaafay gudida qaban qaabada iyo golayaasha xisbiga maaha in meel kale laga raadiyo fidmadaasi kulmiye dhexdiisa ka dhacday.

 

Inamada qoriyaha mujaahidka ku qabtey wa kuwo ku abtirsada xisbiga kulmiye mujaahid Mohamed Kaahina wa hogaanka sare e xisbiga kulmiye taasi waxay markhaati ka tahay inaney beesha Sacad Musa wax shuqul ah ku laheyn shilkaasi dhacay

 

Odayaashan la soo afduubayna wa kuwii beesha Sacad Musa ugu mudana. Waxa hore dalkeena uga dhacay dhacdooyin badan oo si an sidan aheyn loo maareeyay hadaan kasoo qaato dhacdadii ciidamada lagu weeraray warshada kabista ismarkaan lagu gumaaday dawladu wax talaabo ah oo ay ka qaaday mey jirin iyo baadhintan xaqiiqa raadis ah, odayaal iyo salaadin lama soo xidhi xidhin walba odayaal iyo madax badan ba waxa suuqa la isla dhex marayay magacayo siyaasiyin o ka danbeyay shilkaasi ciidaamada lagu xasuuqay.

 

Maantan waxad aragtan dhibaatadaasi kulmiye dhexdiisa ka dhalatey in odayaashi beesha Sacad Musa jeelasha lagu gurayo oo la doonayo in shilkaasi dhacay loo aaneeyo beesha SM, waxan runtii qoraalkeygan ku cambaareeynaya  Suldan Xassan oo ah Suldanka beelaha Subeer Awal oo shilka dhacay ee foosha xun ka bixiyay raaligallin aan loo baahneyn oo u beel ahaan afkeedi ku hadalay, wuxu xaq u leeyahay suldan Xassan inu isagu si shakhsi ah u falkaasi wixishinimada leh e mujaahka lagula kacay, maaha inu magaca beel isticmaalo suladan Xassan, maaha inu beesha usoo jeedo dambi aney laheyn ama dhagar aney ogeyn cida gashey iyo sababta loo fuliyay falkaasi foosha xun. Miyaanu Suldanku ogeyn kuwa falkaasi geystey in ay ku abtirsadan Kulmiye miyaanu Suldanku ogeyn inu Muj Mohamed kaahin yahay hogaanka sare e xisbiga kulmiye miyaanu Suldan Xassan ogeyn inu yahay falkan dhacay khilaaf siyaasadeed maxa keenay raali ahaada hadii anu nahay beel hebela taasi wa mid ku gaf ah magaca beesha SM.

 

Anigoo falkaasi wixishinimada ah ka xun waxa beesha u kaso jeedo mujaahid Mohamed Kaahin u sheegaya in falkaasi dhacay u yahay mid kusaleysan khilaaf siyaasadeed oo xisbiga kulmiye ka dhashey shirweynihiisa iyo golayaashiisa oo aneyn beesha SMusa wa shuqul ah ku laheyn.

 

Waxan haddaba cod dheer ugu sheegaya oo an warbaahinta uso marineya maamulka dawlada iyo inta dooneysa in ay beesha dambi aney laheyn ku shaan badeysa in ay odayaasi birmageydadaha ee sharafta iyo karaamada naga mudan ooda laga qaado islamarkan xoriyadooda loo sii daayo, maaha kulmiye inu marwal o dhibaato siyaasadeed la so dareysta ba uu meelo kale kula galgasho dhibaatadiisa iyo khilaafkiisa siyaasadeed.

 

 

Guul iyo horumar baan u rajeynaya dhamaan shacabka somaliland meel ay joogan ba

 

 

Omar Darood Hassan

Norway.