La Jaan Qaad Magaca Cusub Ee Dugsiga New Burco College Oo Loogu Wanqalay Nuuradiin School .

Filed under: Articles-Maqaallo |

BURCO{MB}- Xaflad si Heer sare loo Soo Agaasimay Ayaa Lagu Qabaty Hoolka Shirarka Ee Macahadka New Buco College xafaadaas oo Ay Ka Soo Qayb Galeen Maamulka Macadka Nuuradiin , Waxgarad , Waalidiin iyo Agaasimah Tvga Madax Banana Ee Bulsho iyo Aradyda Wax ka Barata Dugsiyada Nuradiin Iyo New Burco College  .

 

Xafladaas Ayaa Ahayd Mid Magaca lagag badalaayo dugsigii hore NEW BURCO COLLEGE Oo Looguna Wan Qalayay Macahadka Nuradiin Qaybtiisa Xaafada Af Gooye Ee Magaalada Burco .

 

Hadaba WaxaUgu Horeyn Madashaasi Ka Hadlay Maamulaha Macaadka Nuradin Cabdiladiif Sheikh Cusmaan Sheikh Maxamed waxaanu Maamuluhu Yidhi

“ Xafladan Aan Maanta Isugu Nimid Waxa Weeye In Macadkii Hore Loo Odhan Jiray New Burco College Maanta Wixii Ka danbeeya la odhanaayo Macahadka Nuuradiin Wuxuuna Noqonayaa Macahadka Nuuradiin qaybtiisa labaad ee xaafada afgooye

Isaguna Waxa Xafladaas Magic Badalida Ka Hadlay Maaamulihii Hore Macahadkii New Burao College Maxamed C/rahmaan Maxamed {{gaso } Ayaa Waxa Uu Isna Yidhi: “ aad baan ugu Farax sanahay in maanta dugsigii new burco loo badalay dugsiga nuuradiin waxa kale oo aan ugu farax sanahay in uu maamukha macadka nuuradiin uu ii ig maday in aan maamule ka noqoto qaybtan dugsigu qaybo badan ayuu ka kooban yahay sida English, saxaafad, maths compter ”

Sidoo kale waxa isag

Waxa Isaguna Madashaas Ka Hadlay Tababaraha Culuumta Saxaafada ee Macahdka Nuuradiin Ahna  Agaasimaha Tv ga Madax Banan ee Bulsho Yaasiin Cawil Xaaji Cali {Digfer}  Hadaladiisii Waxa Ka Mid Ahaa “ wax badan aayan u qaan doonaa ardayda wax ka barata dugsiyada nuuraddin aqoontuna maha aha wax hadha waxaan ahay isuduwaha wasaarada warfaafinta ee gobolka togdheeer sidaa daraadeed waxaan ugu baaqaya ardayda wax ka barata dugsiyada nuuradiin in ay hekayaan shahaadadii wasarada warfaafinta ”

Sidoo Kale Waxa Iyaguna Madashaas ka Hadlay Maamule Kixigeenka Xuseen { Shax Shax } Iyo Macliminta Wax ka dhigta Macadka New Burco College Dhamaantoodna Waxay Carabka Ay Ku Dhufteen in ay ku farax san yihiin in magaca laga badalo New Burco College

 

Maamulaha Macadka NuradinC/ladiif  Shiikh Cusmaan Ayaa Macadka New Burco Iibsaday Sanadkan Bilowgiisii Taas oo 11 Bilood ah Uu  Ku Dhejisnaa Magaca New Burco College

 

Dugsiga Nuuradiin Ayaa Ah Dugsiga Qudha Ee Gaarka Loo Leeyayhay ee Ugu Weyn Gobolkan Togdheer Uguna Balaadhan .

 

Isku Soo Wada Duuboo Xafladan Magac Ugu Wanqalka Magaca Nuradiin Ayaa Aha Kuwo Ay Si Wanaagsan ay u Soo Dhaweeyeen Ardayda Wax ka Barata Macadka Nuradiin Qaybtiisa Agfooyee .

 

Maxamed Cali Boodhle

Burcomedia Roporter

Burco Office.