La Taliyaha Gaarka Ah Ee Ra´isal Wasaare Saacid Oo Badka Soo Dhigay Halka Ay Iska Qoonsadeen Ra?isal Wasaare Saacid iyo Saaxiibkii Xasan Sheekh

Filed under: Latest News |

Muqdisho (BM) – Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Dawladda Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra´isal Wasaarihiisa Dr. Sacaadi ayaa gaadhay todobaadkii ugu dambeeyay halkii ugu saraysay.

dhab ah looma oga halka uu ka kacay Khilaafkoodu, balse Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkaysanaya in uu xilka iska casilo Ra?isal Wasaarihii uu magacabay ee Dr. Saacid.

Hadaba La Taliyaha

Ra´isal Wasaaraha Somalia Cabdirisaaq Ashkir Faarax oo u waramayay Warbaahinta Magaaladda Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay halka ay sartu ka qudhuntay isla markaana labada masuul iska qooraansadeen.

Waxa uu xusay in khilaafku aanu ahayn mid lagu quudhsaday shaqada Ra?isal Wasaaraha Balse ay ka dambaysay ka dib markii uu madaxweynuhu xukuumadda ka dhex arki waayay xubno uu saaxiibo dhaw la yahay.

“Madaxweynaha shaqo xumo uga timid Ra´iisul wasaaraha kuma dalbanayo inuu R/W iscasilo ee waxaa uu golaha wasiirada ka waayey magacyo dad uu rabay in lagu soo daro taasina waxaa diiday oo xaq u leh inuu soo magacaabo cidii uu u arko inay waxqaban karaan.

Laakiin taasi ayuu Madaxweynaha ku bilaabay buuqa dalbashada khilaafka” ayuu yidhi La taliyaha Ra´isal Wasaaraha Somalia.

Mar la waydiiyay bal waxa ka jira wararka sheegaya in uu Ra´isal Wasaaraha Somalia hadii uu xilkaasi iska casilo qaadan doono aduun lacageed, waxa uu yidhi ?Warkaasi waa mid dacaayad ah, waxaanan idin sheegayaa in Ra?iisul Wasaaruhu uu  kasoo jeedo qoys magac iyo sharaf leh, mana aha  nin waxaasi qaadanaya iskuna casilaya” Ayuu Yidhi

Burcomedia.com

Muqdisho office