Luul Xasan Mataan Waxaa Xidhay Siiranyo iyo Madaxtooyada, Micidana Waxaa Ku Dhuftay Masaskiisii. By Enj. Yuusuf Axmed,

Filed under: Articles-Maqaallo |

Ninka warkani ku adkaadaa waa nin marka horeba aan inala socon, oo dadka ka hadhay, ka la yaabaana waa mid aanay weli soo marin, ka madaxa ka ruxaana waa mid aad mooddo inuu maanta uun jannada cagaha lasoo galay, ee boobka iyo dhaca ummadda ka qayb qaatay, danina ugu jirto inaan wax runta ka hadla, wax miyaan la xishoonayn yidhaahda, iyo wax ay damaqdo foolxumooyihkaa iska caadada noqotay, ee reer hargaysina daawanayaan, saa iyagaa aroorwalba la waa bariista dhacdo fool xun oo ruux muwaadin ah ku habsanaysa, sidii aafooyinkii. Mararka qaarna dadka iska jilicda san ee aan taag uhaynin inay iska caabiyaan masaska siiraanyo, ee halkuu wejiga usaaro, aan mus ka celiya, iyo oodi midna qabanaynin,  ay bariis cad iyo salool ka samaystaan in Rabbi ku hareer mariyo waxyeelladooda.

Waxay somaliland noqotay wada god, oo wada god mas ah. Waxay caddaaladdii ka guurtay, markii golaha guurtidu isu rogay siyaasiyiin, iyo niman dan leh, oo golaha uba fadhiya inay hawlo ka qabyo noqday ay ka dhamaystirtaan. Waxaa wax laga xishoodo ah, in gole dhan, oo ahaa ka ugu haybadda badan, ee cidwaliba odhan jirtay, haddaan caddaalad meel kale ka waayo , waxaanan ka waayayn golaha guurtida haddaan arrin caddaalad darro ah tirsado. Waynu aragnay, oo golaha aynu filayno inuu qabto, maamulka sidii lo’ libaax duddada usoo joogsaday, oo urisay, oodda jebiyay, ee wax or yidhaahdana jirin, inuu golahaasi weliba intuu maamulka siiraanyo badheedh u difaaco, aan innaba laga sugaynin wanaag.

Golahaasi waa ka intuu shir u fadhiistay, ka horjoogsaday, in beelaha gobooye, iyo qaybaha bulshada reer Somaliland ka tirsan, ee aan habdhaqanka jira, iyo xeerarka maroora ee qabyaaladda ku suntani awood u siinaynin inay ummadda ula sinnaadaan ka qaybgalka maamulka dalka iyo golayaasha, cid waliba ku jirto. Waa kuwa ku muquuniyay awood gole guurti inaan haba yaraatee waxba looga oggolaan talada dalka, ee ansixiyay xeer ka mamnuucaya, in loo oggolaado jid ay umaraan inay dalka taladiisa ka muuqdaan, oo ula sinnaadaan bulshada inteeda kale. Waa gole aan lagu tilmaami Karin gole xaq ah, oo ummadda caddaalad ugu adeegaya. Waxaa ka sii daran golaha kale, ee isagu aan marna umuuqan gole qaran, oo dalka masuuliyadi ka saran tahay. Waa golaha iska waraysta muxuu siiraanyo manta soo saaray. Maaha gole marna isweydiiya sharci ma yahay waxa siiraanyo samaynayaa, ee maalin walba uu dikreeto, iyo amar madaxweyne ku fushanayo, hadduu xataa guri uu ummadda ka boobayo  sharciyaysanayo.

Waynu wada ognahay laantii caddaaladda malaha iyadu maba jirto, haddii ay jirtona dadka aan awoodda lahayn, ee dooxa khamrada ku cabba iyo mid quraarado khamri ah sida ayay caddaaladdu si wanaagsan uqabataa, oo weliba idaacadaha iyo TV YADA  laga sheegaa falkaa aadka u foosha xun ee ay gaysteen, oo weliba xukunka kitaabka laguma qaadee xukumo kale oo maxkamaduhu samaysteen ayaa lagu xukumaa. Ma garanayo meel ay ka soo daliishadaan xukumadaas ay ridaan. Waxaa la ogaa waxyaabihii aadka u badnaa ee dalka ka dhacay.

Waxay manta u dambaysay dhacdadan sida foosha xun intaa loo fushaday, ee gawaadhi ciidan iyo bilays isugu jira la dul keenay xarun ay wax awood ama xoog leh, ay joogaan carruur yaryar, oo aan xataa meel ay qabanayaan, iyo wax ay iska dhicin karayaan jirin. Qofka arki lahaa ciidan madaxtooyada laga soo duullimaad geliyay, ee abbaanduulayaashii ugu waaweynaa horkacayeen, aanad marnaba ka garateen, ciidan weerer ku qaadaya fadhiisimo cadaw oo xoog leh. Waxaad moodaysay masaskii halkaa markay dadkii meesha joogay oo carruur u badnayn cagta mariyeen, weliba intay wixii agab meesha yaallay ay sida qashinka midba meel ka tureen, oo furaashyadii carruurta intay go’yaashii ka wada daadiyeen, ay furaashyadii oo laga dildillaaciyay galkii ay meel ku daadiyeen, oo ceeb ugu yeelayeen maamulkii meesha joogay. Waxaad arkaysay wax go’a , iyo barkimo toona kuma jirin, waxaanad arkaysay, inay si abaabulan meesha u yaalleen, iyada oo laga dhigaayay, inay xaruntu dayac ahayd oo ay usoo gurmadeen.

Waxaa ka darrayd, mid aanan islahayn weligii ayuu bani aadam la noolaaday, oo dacwad aad u jaban, meesha ka akhriyay.

Waxaa hadaladiisa ku jirtay, carruurtu ma haystaan macallimiin. Balhadaynu weydiinno carruurta Xaruntu sharci uma laha inay macallimiin u shaqaalaysiiso, oo waxaa xilkoodu saran yahay wasaaradda waxbarashada ee halkay ceebtooda qarsan lahaayeen ku doodaya inay carruurta macallimiin badan oo ku filan usoo diri doonaan. Waxaa la yaableh carruurta ay manta macallimiinta ugu baaqayaan inay usoo dirayaan, miyaanay ahayn carruur, carruuraha kale ula siman waxbarashada, oo meel kasta oo ay ku urursanyihiinba ay xaq uleeyihiin in loo sameeyo waxbarasho. Mise waxay u haystaan in ay ka masuul yihiin dugsiyada dhisan ee waxbarashada loogu talagalay haddaanay ahayn meeshaasi aanay macallimiin carruurta joogta waxbarta  xaq ulahayn.

Waxuu dood nacasnimo ah ka bixinayay mid waraaqo sida, waxaa ka fool xumayd waraaqa uu caddaynta u sitay, waxa iyaga laftooda ku qornaa.

Waxuu caqlixumadiisa ku doodayay, in miisaaniyadda dawladdu xarunta ku bixisay lacag uu malaha aqoonyari awgeed, ama aqoondarro, iyo xisaabyari awgeed uu u qabay inay lacag badan tahay, saa waxuu  ku iclaamiyay shilinka Somaliland. Waxay lacagta sannaddi xukuummadda siiraanyo miisaaniyad u siisay, lacag dhan   4700 $“ afarkun iyo toddoba boqol  oo doolar. ”. waa lacagta sannad loo qoondeeyay, ee  xarunta aynu garan karno culayska saran, ee carruurtaa wax kasta oo ku baxaya ay noqonayso, lacag aan cadad lahayn.

Ninkaasi waxuu ku dooday in xarunta dayac fool xumi ka muuqday, oo carruurtu ku darxumaysnayd. Haddaba inaanu caqli ku socon ninkaa masuulka iska dhigayay, waxaa caddayn u ah, inaanu xataa sheegin inay marar hore usoo gurmadeen. Taasina ay caddaynayso, inaanay jirin wax dayac ah, ama qoraallo meellaba yaallay, oo caddaynaya in carruurta dayac hore haystay. Waxuu caddeeyay, inaanay meeshu ahayn meel lagu noolaan karayo. Oo ay gurmad u yihiin sidii ay carruurtan u sabata bixin lahaayeen. Ase aanay xataa kuwii la socday ee hay’adaha carruurta qaabilsani anfariir hadleen, oo ay af kala qaad ku noqotay markii lagu amray inay wax ka sheegaan. Way awoodi waayeen inay ceeb u helaan xarunta oon ka ahayn, markii loo yeedhay wixii ka bilaabma. Way qirteen inaanay hore waxba u maqal, una arag, inkasta oo ay ka warhayeen in carruurta xarunta la gu hayo.

Waxuu  qofkaa waraaqaha sitay ee ka mid ahaa masaska siiraanyo usoo diray xaruntaa carruurtu, ku dooday inay xukuumaddu tahay ta si sharci ah uga wakiila carruurta, waxuu kaloo soo kaxaystay, oo markhaati ka dhiganayay, dadkii Luul ka caawiyay dhismaha, ee ugu yaboohay, markii ay waydiisatay, inay ka gargaaraan dhismaha xarunta. Oo uu ninkaa weyni garta isagu isku furay. Waxuu ka dhigayay inaanay iyadu lacagta dhismaha masuul ka ahayn, iyo ciddii abaabushay in dhismahu hirgalo. Halkaas oo uu sheegay dadkii lacagta bixiyay. Iyaga laftoodu fool xumada waxaan qabaa inay ruuxaa hadlayay la qabaan, mar hadday ku yidhaahdeen anaga ayaa lacagta dhismaha bixinay oo LUUL  lacagta may lahayn, oo aanay raacin, inaanay lacagtaba bixiyeen haddaanay Luul ula tegin fikirka, iyaguna hadday diidi lahaayeen, in cidkale aanay waydeen oo kala caawisa dhismaha. Dhismahana aanay masuuliyaddiisa meella ka soo geli Karin, mar haddii ay bixiyeen yabooh sadaqo, oo aan qofku xaq u lahayn inuu soo fara geliyo, mar haddii uu sadaqo u bixiyay..

LUUL XASAN waxaa u tashaday Siiraanyo, iyo madaxtooyada, oo u adeegsaday awooddii qaranka.

Majiro,  mana muuqato meel caddaaladda loo maro, oo ka madaxbannaan xaqdarrada iyo xukun xumada siiraanyo. Ee eedda lagu haysto Luul ay tahay oo qudha maxaad nooga horjoogtaa caawimada hay’aduhu bixiyaan ayaanu carruurtan ugu dawarsanaynaaye. O ay doonayaan   carruurtaa aan waalidka iyo ehel dhawra midna lahayn, ay madaxooda ku qarafaystaan. Waynu ognahay in hay’adda samafalka uu siiraanyo gacantiisa ku geeyay madaxtooyada, xafiiskuna ku dhex yaallo madaxtooyada dhexdeeda.

Miyay isweydiin leedahay markaa, cidda Luul ku haysata maxaad xaruntan u maamulaysaa, ee aad noogu soo wareejin la’day, ay cidda ka dambaysaa tahay Siiraanyo, iyo madaxtooyada oo ay uqurxinayso inay caalamka ku soo dawarsadaan.

Luul  Xassan waxay u xidhan tahay Siiraanyo, iyo Madaxtooyada, arrintana waxa fuliyay waa masaskiisii, oo aan cidna ka leexanin.

Luul  Xassan waxa soo dayn kara, ee caddaaladdeda sugikaraa waa odayaasha reer ay ka dhalatay

Ninkastaana markay caddaaladdu dulmidu meesha qudha ee uu u ciirsadaa waa odayaashiisa..

Waynu ognahay oo ma jirto meel caddaaladdu karaamo ka leedahay, meelkastaana waxay u adeegtaa dulmiga Siiraanyo, waxaase horjoogsan kara oo qudha waa odayaasha Beesha ay Luul ka tirsantay.

 

Dulmiga halkaa ka dhacay maynu arag wax ay damaqday, waxayse sugaysaa odayaasha xuquuqdeeda ku saxeexay heshiiskii BOORAME  inaan ruuxna caddaalad darro ku mutaysanaynin Somaliland dhexdeeda. Iyagaanay saarantahay masuuliyaddeeda .

 

 

Eng. Youssuf Ahmed

London  U. K.

jicsin@hotmail.com