Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco Oo Iska Leexeyay Eedo Ay Kula Dul Ku Feen Shaqaali Ku Hadhay Itixaankii Iyo Xogo Dheeriya Oo Ku Saabsan Cida Dabada Ka Riixaysa Khilaafka Wakaaladda.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Burco Ibraahim Yuusuf Diiriye (Jirde) ayaa dhinac iskaga leexiyay eedaymo kala gadisan oo ay ay kula dul ku feen qaar ka mid ah shaqaalihii Wakaalada Biyaha Burco ee Itixaankii ay Hay’adda Shaqaaluhu qaaday ku Hadhay  .

Maareeyaha oo Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Burco ayaa Dusha u saaray Shaqaalaha Itixaanka ku dhacay iyo Odayaashan dabada ka riixaayay in ay masuuliyadeeda qaadi-doonaan wixii dhibaato ah ee ka yimaada Hanjabaad ay sheegeen in ay ku waxyeelayn-doonaan Qalabka Wakaaladda ee bulshadda u adeega sida Ceelasha iyo Mishiinadda Biyaha..

“ Waxaan  halkan idiinku yeedhay in aan ka jawaabo hadal ka baxay Telefishanka Universal  oo ay ka hadlayeen  xubno ka mid ahaan jiray shaqaalaha Wakaaladda iyo Odayaal dhaqameed is wata  oo warbaainta ka sheegay in maareeyuhu ka eryay shaqadii.

Qodobka kowaad ee shaqaalahaasi iyo odayaashaasi  ka cabanayeen  waxa uu ahaa in Maareeyaha Wakaaladda Biyuhu shaqaalaha shaqada ka fadhiisiyay isla markaana eryay ,bilaa xuquuqna ugu daray, marka ugu horeysa waxaynu leenahay Hay’ad Dawli ah oo shaqaalaha  Hay’adaha Dawlaladda ka qaada itixaanka ,bishii Afraad ee sanadkan ayaa anaga wakaalad ahaan waxa warqadi nooga timi Wasaaradda macdanta iyo Biyaha iyo waliba Hay’adda shaqaalaha oo ay ku leeyihiin shaqaalaha wakaaladda itixaan ayaa laga qaadayaaye hala diyaariyo ,hawshaasi waanu diyaarinay  ,Hay’adii shaqaaluhuna itixaankii way qaaday ,waxaana goob-joog ka ahaa qaadista itixaankaasi  si aanu hadal u iman Guddoomiyaha gobolka Togdheer , Maayirka magaaladda iyoTaliyaha Booliska ,Itixaankana waxa waday Guddoomiayaha Hay’adda shaqaalaha  ,waxa Wasaaradana ka socday laba masuul oo kala ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda macdanta  iyo agaasimihii Wakaaladaha ,anagu Wakaalad’ahaana shaqada aanu hawshaasi ku lahayn waxay ahayd diyaarinta shaqaalaha  “ Sidaasi ayuu Maareeyuhu yidhi ,waxaanu intaasi ku daray.

“ Markaa waxa nasiib-daro ah iyadoo aynu Dawlad nahay oo ay jirto Hay’ad dawli ah oo Xukuumadda  u qaabilsan in ay Itixaanka ,in maalin walba Oday inta uu Saxaafadda  isa soo taago yidhaado waxaan u hadlayaa qof itixaan ku dhacay oo aqoontiisu riday , waa nasiib daro ,waxaan leeyahay   ,anaga waraaqadii  ay noo soo dirtay Wasaaradda macdanta iyo Biyuhu ee ay Hay’adda shaqaaluhu usoo gudbisay Itixaankii ay qaaday qofkii Dhacay iyo qofkii soo baxayba waataa ,aan gacanta ku hayo.Warqada labaad ee ka hadlaysa qaadista itixaanka iyana waatan oo  waxa ku saxeexan Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha isagaana gidaarkaa wakaaladda ku dhajiyay oo waxa ku qoran Qofkii Itixaanka ku soo baxay iyo kii Dhacayba markaa waxaan leeyahay Itixaan Maareeye qaadaa iyo mid Badhasaab qaaday toona ma jirto ,Dawladana waxa u qaabisan qaadista Itixaanka Hay’adaasi .

Sidoo kale Maareeyaha ayaa ka dhawaajiyay khilaaf mudooyinkii u danbeeyay Wakaaladda Hadheeyay“ Waxaan kale oo ku jirtay hadalka shaqaalahan iyo Odayaashan xuquuqdii shaqaalaha ayuu diiday  ,waxaan taa kaleeyahay anagu qof shaqaale ah Xuquuqdiisa ma duudsiino cidina nagalama hadlin  ,waxaanan halkan ka cadaynayaa mudo Lix bilood ah hadalkaa shaqaaluhu wuu taagnaa ,xuquuqna lagama wada hadlayn ,waxa laga wada hadlaayay waxa uu ahaa wax suuq madow ah oo la leeyahay shaqaalaha Itixaankii ku dhacay shaqada halagu celiyo ,taasina cida kaliya ee awooda u lehi waxay tahay in ay shaqaalaha soo celiso Hay’adda shaqaalaha Dawladda ,markaa waxaan leeyahay hadalkiisa xalayto baxay maaha mid sal iyo raadtoona leh ,laakiin mudo Lix bilood ah shaqaala kolba dhinac ayaa loo didinaayay ,Shakhsiyaad-baana shaqo ka dhigatay ,Waxaanan aad iyo aad uga xunahay shakhsiyaadka laga rabay in ay wakaaladda horumar iyo waxqabad ku soo kordhiyaan eek u soo kordhiyay khilaafka iyo hadalka “ Sidaasi ayuu Jirde yidhi.  .

Maareeyaha ayaa gabogabadii sheegay Hanjabaad ay bixiyeen Shaqaalahan cabashada muujiyay iyo Odayaashan dabada ka riixaayay wixii ka yimaada ee gaadha Mishiinadda iyo Ceelasha Wakaaladda Biyaha Burco in ay dusha ku qaadan-doonaan cidii hadalkaasi ka soo yeedhay .

Geesta kale Wakaaladda Biyaha Burco ayaa mudadii ay joogeen maamulka hugaamiyaa  ku talaabsatay horumar dhinacyo badan leh dhawrkii Sano ee u danbeeyay  ,balse waxa  xusid mudan  bilihii u danbeeyay waxa hadheeyay Wakaaladda Khilaaf u muuqda mid lagu curyaaminaayo waxqabadka muuqday ee Wakaaladda oo mar-ba marka ka danbaysa Waji cusub yeelanaayay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa magaalada  Burco layska dhexmarayay  in khilaafkan wakaalada biyaha uu  lug weyn ku leeyahay   Agaasimaga guud wasaarada Biyaha  Somaliland C/risaaq Naakhuude,kaasoo  ku sugnaa magaalada islamrkaana kulamo la qaatay  xubnahan ka hadlay warbaahinta,sidoo guddiga wakaalada biyaha Burco  iyo Agaasimaha ayaa isku maandhaafay  arintan shaqaalaha dhacay .

 

Burcomedia.com

Head Office.