Maayar Ku Xigeenka Burco Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Roobab Xayiray Isusocodka Dadweynaha Iyo Gaadiidka Oo 24-Saacadood Ee U Danbeeyay Gudaha Burco.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Roobab laxaadleh ayaa 24-saacadood ee u danbeeyay si xawli ah uga da’aayayay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer iyo deegaamadda ku xeeran ,kuwaasi oo suuqyadda magaalada ka dhigay Bad-wayn.

Roobabkan  oo curtay shalayto ayaa xariray isucodka bulshadda ,gaadiidka iyo waliba ardayda dhigata Dugsiyadda magaalada Burco ,kuwaasi oo aan saaka Dugsiyadda ka xaadirin ka dib markii ay cabsi xoogani ka dhalatay Raxmaadkan oo aan murqudha qaadin ilaa shalay ilaa xalayto .

 

RoobabL Roobab m

Geeta kale xildhibaano uu hurkacaayay Maayir ku xigeenka Burco Muxumed Xasan Jaamac Xoday oo kormeer  ku sameeyay xaafada Burco ayaa sheegay  in aanu jirin wax khasaare ah oo roobkani gaystay intii ay mareen.  “ Roobabku ilaa shalayto  ,ilaa xalay ,Ilaa Imikadan marqudha muu kala qaadin Ilaahay wuu ku shubay Burco magaalada waxaad muudaa in ay Badwayn noqotay ,markaa kormeer ayaanu samaynay Saaka inta badan magaalada waanu ku soo wareegnay wax khasaare ah oo roobkani gaystay wali mahayno ,balse wixii danbe dib ayaanu idiinka soo sheegi-doonaa  balse biyuhu waxay gaadheen Suuqyadda Burci ilaa laba Mitir , waxaanu roobku kala xidhay isusocodkii bulshada iyo gaadiidka “ Sidaasi ayuu maayir ku xigeenku yidhi.

 

Roob3

Waxaanu bulshadda reer Burco ugu baaqay in ay ka fogaadaan dooxa ,dhinacyadiisa ,waxaana jira sida uu sheegay guryo badan oo biyuhu galeen .

Sidoo kale xildhibaanadan kormeerka sameeyay ayaa waxa ka mid ahaa Xildhibaan Rashiid Afyare ,Xildhibaan Siciid Maxamed raage ,Xidhibaan Nuux Maxamed Xuseen iyo waliba xildhibaano kale.

Roob2

Roobabkan ka da’aaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa noqonaaya kuwii ugu xooga bad-naa ee gobolkaasi ka da’a Sanadihii u danbeeyay ,isla markaana waxa ku diirsaday dadweynaha ,kuwaasi oo si diiran usoo dhaweeyay.

Waxaaney ku soo beegmeen xili ay shalayto Duufaano iyo roobab wada socdaa ay Khasaare naf iyo maal-ba leh ka gaysteen Goboladda Bari ee Somaliya .

 

Burcomedia.com

Burco Office.