Masuuliyiinta UCID iyo WADANI Ee Uganda, Oo Si Wadajir Ah U Taageeray Guddigii Qabanqaabadda Shirweynaha Qaran

Filed under: Latest News |
  • Kampala (BM)-Guddoomiyayaasha laamaha Labadda xisbi mucaarid ee Ucid IYO Wadani, ee dalka Uganda Cabdisamed Mustafe Yaasin Iyo Khadar Maxamed Nuur Bitijoor, ayaa si wadajir ah u bogaadiyay una hambalyeeyay Go?aankii Xisbiyada siyaasiga ah ee mucaaradka ah ee WADANI iyo UCID ay sida wadajir-ka ah ugu dhawaaqeen magacaabista guddigii qaban-qaabadda ee Labadda Xisbi ee shirweynaha Qaran oo lagaga hadlayo aayaha mustaqbal ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay sheegeen in shirkanni uu yahaymid wax ku ool u ah dadka iyo dalka Somaliland, iyaga oo ku sifeeyay in xubnaha qabanqaabadda shirkan ay labadda xisbi u magacaabeen ay yihiin xubno masuuliyiin ah oo u qalma in ay si heer sare ah ugu soo dhalaalaan gudashada xilkan loo igmadday, waxaanay u rajrryeen shirka in uu u qabsoomo sidii loogu tallo-galay.

Waxa kale oo Labadda Guddoomiye ay si diiran u soo dhaweeyeen unna hambalyeeyeen kulankii qiimaha badnaa ee ay isugu yimaadeenn Guddoomiyeyaasha labada Xisbi siyaasadeed ee Ucid iyo Wadani iyo Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka ee lagu go? aamiyey in guddi wadajir ah oo labadda xisbi ka kooban loo saaro qabsoomida shirkaasi oo la filayo inuu ka qabsoomo caasimadda Somaliland ee Hargeysa Tobanka bisha December. Dhanka kalana waxay salaan uu direen tageerayasha labada xisbi qaran iyo dhamaan shacabka sharafta leh somaliland meel kasto aduunka kaga nool yihiin Wabilaahi towfiiq Baaqan wada jirka waxa ku saxeexan labada Guddomiye ee laamaha labada xisbi qaran Ucid iyo Wadani

 

Burcomedi,