Odayaal Reer Burco Ah Oo Jawaab Ka Bixiyay Eedayn Ay Badhasaabka Gobolka Togdheer Kula Dul Kufeen Xildhibaanadda Golaha Deegaanka Burco.

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Cuqaal iyo waxgarad ka tirsan hormuudka gobolka Togdheer ayaa beeniyay dhaleecayn iyo eedo calculus oo ay Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji huwiyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka Burco ,dhawr cisho ka hor.

Madaxdhaqameedkan iyo waxgaradkan oo Shir jaraa’id ku qabtay Hoteelka Deero ee magaalada Burco ayaa ku eedeeyay Golaha deegaanka Degmadda Burco in ay ku fashilmeen hawlihii shaqo ee bulshadu u igmatay ayna quus ka taaganyihiin ,taasi bedelkeedana ay caado ka dhigteen in ay aflagaado iyo cay kula dul ku faan  shaqsiyaad kale oo aaney isku shaqo ahayn ,kuwaasi oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha gobolku .

Sidoo kale Cuqaashan ayaa Golaha deegaanka Burco ku sifeeyay in ay kala garanwaayeen Shaqadii Degmadda ee loo doortay iyo tii Gobolku  lahaa ka dib markii ay sheegeen in waxqabadkooda degmo’ahaan uu caqabad ku noqday Bdhasaabka gobolku.

Waxaaney intaasi ku dareen oo ay Xukuumadda sare ugu baaqeen in Tababaro iyo Aqoon-korodhsi u samayso  Golaha deegaanka Burco si loo fahan-siiyo ,hawlaha Dawladda Hoose u xilsaarantahay iyo waliba xadka u dhexeeya Hay’adaha kale ee Dawliga ah ee gobolka ka jira ,taasi oo ay xuseen in ay aqoon-daro baahsani  ka haysato.

Geesta kale Odayaashan ayaa ku tilmaamay Xildhibaanadda Golaha deegaanka Burco qaybo ka mid ahi in ay khatar ku yihiin Amniga gobolka ka dib markii ay tiroba dhawr jeer ay iska horkeeneen bulshadda reer Burco isla markaana ay eedaymo noocan oo kale ah ay kula kaceen Madasha Wada Tashiga iyadoo daaha dabadiisa Rumuud kaga hagayaan Wasiiro ka tirsan Madaxtooyadu ,arimahaasi oo ka yaabiyay dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco.

Waxaaney Badhasaabka gobolka ku tilmaameen in uu yahay Guddoomiye ka adag shaqadiisa isla markaana mudadii uu joogay gobolka ka fuliyay hawlo farabadan oo ay ka mid yihiin kor u qaadista horumarinta gobolka iyo xoojinta xaga amnigiisa.

 

 

Burcomedia.com