Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika Oo Siyaabo Kala Gooni Ah U Cambaareeyey Weerarkii Balad-weyne

Filed under: Latest News |

Baladweyne(BM)-Qaramada Midoobay iyo midowga Afrika ayaa cambaareeyey weerarkii shalay xoogaga Al-shabaab ay ka fuliyeen saldhiga Booliska magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan kaasoo khasaare badan oo nafeed geystay.

Xoghayaha guud ee QM Ban ki Moon ayaa war saxaafadeed uu ka soo saaray xafiiskiisa magaalada New York waxaa uu ku cambaareeyay weerarkii shalay ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga magaalada B/weyne waxaana uu ku tilmaamay mid naxdin badan ku abuuray caalamka.

Ban ki Moon waxaa uu sheegay in weerarkaasi oo sababay khasaaro badan oo nafeed haddana uu sheegay inuu tilmaan cad ka bixiyo sida loogu baahan yahay taageero in loogu fidiyo dawlada Soomaaliya.

“Walaac badan ayuu nagu abuuray weerarkaan waxaana uu ka mid yahay weerarada ay la kulmaan bulshada Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka Ban ki Moon oo dhinaca kale bulshada caalamka ugu baaqay inay xoojiyaan taageerada dawlada Soomaaliya si looga hortago weerarada noocaan ah, isagoo dhinaca kale tacsi u diray eheladac dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkaas.

Dhinaca kale, Wakiilka Midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa isna si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday saldhiga booliska ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan maalintii shalay.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ambassador Annadif ayaa lagu sheegay in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu qarxiyay iridda laga galo saldhiga booliska ka dibna kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen ciidamo boolia iyo dad shacab ah oo ku sugnaa saldhiga halkaasi oo dad badan ay waxyeelo ka soo gaartay.

Ilaalinaa ammaanka waa inaan mar walba xoojinaa, wali wey jirtaa qatarta kooxaha argagixisada ah xataa haddii laga saaray magaalooyin badan, waxay wadaan falal kharbudaad ah” ayuu yiri Ambassador Annadif oo intaa ku daray in AMISOM ay sii wadi doonto inay shacabka Soomaaliyeed taageerto isagoo tacsi u diray dadkii qaraxa ku waayay dadkii ay jeclaayeen iyo kuwii dhaawacmay.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay tiro kalena wey ku dhaawacmeen weerar isugu jiray isqarxin iyo mid toos ah oo shalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhiga Booliska magaalada B/weyne, iyadoo dadka khasaaruhu soo gaaray ay isugu jireen askar iyo shacab.