Qashin Iyo Biyo Oo Buux-dhaafiyay Magaaladda Burco Xanuuno Laga Cabsi Qabo In Ay Ka Dilaacaan Iyo Dawladda Hoose Oo Tahli-wayday In Ay Magaaladda Nadiifiso.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Cabsi xoogan ayaa soo food-saartay dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco e xarunta gobolka togdheer ka dib markii todobaadkii u danbeeyay uu magaalada Burco ka da’aayay  Roobab mahiigaano ah aan noocooda hore gobolkaasi loogu arag Labaatankii Sano ee u danbeeyay kuwaasi oo 24-saacadood si daran-doori ah u da’aayay.

Cabsidan ayaa ka dhalatay ka dib markii ay Roobabkani  magaalada Burco ay kaga tageen Biyo laxad leh kuwaasi oo ay ku darsameen Qashin hore u buux-dhaafiyay magaalada Burco ,kaasi oo ay waxba ka qaban-wayday dawladda Hoose. ee Burco.

Magaaladda Burco ayaa waxa lagu arkay meelo aad qadh-muunka iyo Urta ka dhalatay nadaafad-xumadda ku habsatay magaaladaBurco aad cararaysid isla markaana qofkastaa uu orod miciinsanaayo ,dawladda Hoose-na cashuur ka doonayso.

Burcomedia kala soco  warbixintan oo dhamaystiran .