Reernimada Saleeban Gaal, Labac Labacda Siilaanyo, Laba Wajiilaynta Kaahin, Miyir La’aanta Muuse By Enjineer Axmed Maxamed.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Akhrirstayaal dhamaantiin waad salaamantihiin, ma ihi nin aad ugu heelan wax ku qorista mareegaha, ee waxaan ku koobnaa uun Akhristayaasha qaayaha le, laakiin waxaan maanta u qaatay qalinka, mushkiladda laga abuurayo dalkeenii ee waliba 4 nin oo 25 kii sano ee ugu dambeeyay sida Kubadda inagu ciyaarayay, oo kolba gees inagaga imanaayay, inaan wax yar ka idhaahdo.

 

Waxa baryahn aynu la soconay in buuq ka dhex taagnaa xisbiga kulmiye, oo ay is  haysteen inamo dhoobiyo ahaa, aanse is ogayn oo moodaay in ay Xisbi ku jiraan, oo xisbinimo iyo wax wada la haansho u fadhiyay, iskana indha tirayay wax sida cadceedaa u muuqda iyo inay shimbiro la wadaagayeen hadhuudh.

 

Waxaan kaloon la soconay in weeraro hubaysan lagu fulinayay dadka cidii hadasha ama sheegta waxa wadanka ka socda, oo ay ka mid ahaayeen  Hubaal iyo isku daygii la raby in lagu khaarajiyo inamadii Hubaal, isku daygii abaabulnaa ee lagu fuliyay Xildhibaan Qabile. Oo aanay jirin cid ka hadashay iyo cid xaal ka bixisay iyo cid ka xumaatay toona, Oo ay xukuumada ka muuqatay inay ka raali ahaayeen, tiyoonay fiicnayn in dalkeena waxaas oo kale ka bilaabmaan ama laga fuliyo, loona tuhmayo cidii amaanka ka mas’uulka ahayd, oo labadaa dhacdaba ay ka tirsanaayeen ciidamada dawlada raga fuliyay.

 

Maxaa loo wada qayliyay markii loo yara hanjabay Ina Kaahin, oo loo tirinayo raga abuuray mushkilada maanta wadanka ka taagan, haddii dadku cadaalad waayo iyo xaq soor waa Ina daan-weyne in shrciga gacanta lagu fushan doono.

 

Waxaan akhristay war saxaafadeed uu soo saaray Muuse Biixi, horta Muuse waxa uu doonayay ilaa intii SNM bilaabantay inuu ku fadhiisto kursiga ugu sareeya, haddana markaad aragto dhaqankiisa waxa kugu filan, waxa uu ku hadlo had iyo goor iyo ficiladiisa, inuu ka habowsan yahay wadadii mas’uuliyada iyo madxnimada. Waxaan kalmad kalmad u dhugtay warkii uu ku tiiraabay Muuse, markii  dhawaan niman hubaysani qori ku qabteen Maxamed Kaahin Axmed. Waxa uu Muuse ku bilaabay inuu Maxamed Kaahin ka mid yahay 5ta nin ee ugu hor talaabay kornayladii sahanka ee qaybta 26 haystay, iyo inuu yahay Astaan Qaran oo aanu ahayn Qof Caadiya. Markaan intaa mid mid isku dul taago, waa wada run. Laakiin, maxaa garab socda amba garab yaal in isaga iyo Muuse aanay cidina dafiri Karin inay ka qayb galeen halgankii SNM. Ee ummadoo dhami ka qayb qaadatay, yar iyo wayn, rag iyo dumar, oo waliba naf iyo maalba loo huray, oo waliba iyaku waa kuwaa noolee cafimaadka qaba’e, sidaan xaqiiqada ku hayo Muuse marbay xagtin yari soo gaadhay, Maxamed Kaahina in kaba yar ta Muuse ayaa wajiga ka sii saniftay. Halka rag badani agoon yihiin caruurtoodii, qaarna yihiin naafo aan kicin. Waxay is waydiintu tahay, maxay kula dhex jireen SNM ilaa maantana wadaan?, Muuse 16 nin kama yara inta si toosa iyo si dadbanba uu u khaarajiyay ee lagu xanto, inta fidmadiisa ama munaafaqadiisa u dhimatayna, waxaa laugu qiyaasaa 200 oo nin. Harta Sheikh, Saylac, Arabsiyo, Banka Wajaale, Barbara, Hargaysa gudaheeda. Burco. Bali gubadle. seemaal, buqdhada, Wadada Boorame. Gabiilay. inuu intaaba lug ku lahaa ama abaabulay.

 

Muuse marka uu leeyahy Maxamed Kaahin waa astaan qaran, miyuu iloobay Siilaanyo oo ahaa gudoomiyihii SNM inuu wadada miino u dhigay, inamadii dili lahaana u diyaariyay,  ILAAHAY uun baa bixiyee Muuse miyuu ugu talo galay inuu noolaado Siilaanyo, isagoo ugu sheegaya inamada inuu Aadan Shiine dilay, iyagana laynayo, waa isaga iyo Ina Kaahin’e, miyaanu Astaan Qaran Siilaanyo ahayn maalintaa, wey nool yihiin oo wey wada joogaan ragii uu u diray inay Siilaanyo khaarajiyaan. Caqligiisa yari waxa uu rabaa inuu taariikhda badhna sheego badhna ka boodo. Isagaana soo qaaday taariikhda’e, waa in tiisana la sheegaa.

 

Cabdirahmaan Axmed Cali oo madax weynehii wadanka ah, waxa Hargaysa badhtankeeda lagu qabtay Sadex AK47, isagoo uu la socdo Ninkii UNICEF haystay oo cadaan ah, kana soo baxy shir goor fiida, waxaana laga dajiyay gaadhigii uu watay oo uu afka ku lugeeyay, waxaana soo diray inamada Muuse oo uu ku hagayay radio-ga gacanta ee loo yaqaano Walkie/Talkie-ga nin ay isku reeryihiin oo amaanka u qaabilsanaa unicef, markaa warkana siinayay Muuse inay soo baxayaan iyo cida la socotaba, waana joogaan inamadii oo hadda rag waaweyn ihi. Miyaanu Astaan Qaran ahayn, markii la galaayay waxaas oo dhagara miyaan qaranka cadowgiisa loo adeegayn. Se maxaa ilmada yaxaaska loo qubayaa maanta, madaxdaa uun buu la mid yahay Maxamed Kaahin’e.

 

Muuse muu ka hadal markii Ibraahim dhaga-weyne iyo ururkiisii dhulka la jiidjiidayay, ee Xasan Ciise-na xaq darada iyo boobka lagu dulmyay, waliba waxa uu ahaa xaabadii lagu shidayay dharigii lagu karinaayay, waxaan filayaa iyaguna wax ahaayeen Faqash, waxa in badan ka eedaadayay laguna xidhay Hargaysa xaaskii Maxmed Cali oo la wada yaqaan, Ina kaahin hortii inuu naf iyo maalba huray iyo xaasas kaloo la socday, waxay Ina Kaahin iyo Muuse ugu jawaabeen markay u cawdeen, dhaga weyne iyo Xasan Ciisaad salaanteen, miyaanay kuwan uu leeyahy fooqyo dhaadheer iyo jaamacado lagaga baxay dhiigoodii ahayn. waxaan filayaa in ay Muuse iyo Maxamed Kaahin uun dalka u soo halgameen, waana sida ay u sheegtaan markay danahooda gaarka ah ku fushanayaan halgankii la wada lahaa.

 

Waxa lay sheegay in ay isku beel hoose yihiin inamadan uu sheegay, inay mar hore qoriga ku qabteen Cabdillaahi Askar ALLA haw naxiirstee, laakiin siday wax u dhaceen. Cabdillaahi waxa uu ka shaqayn jiray Xamar iyo xagaa koonfur intaanu talaabin, Hargaysa iyo dhulkan lagama aqoon, inan kani waxa uu ahaa inan aad u yar oo aqoonba u lahayn Cabdillaahi Askar, cida uu yahay, caynka uu u eegyahay, inuu magaalada joogo, waxay isgaga soo hor baxeen meel luuqa oo inanka gurigooda ku dhow goor habeenimo ah, magaaladana lakala baqayo oo ay Faqashtii bacaysantahy, Cabdillaahi-na dhuumasho ku soo galay magaalada, waxa ku beegmay amba qabtay amba iftiimiyay Cabdillaahi laydh baabuur, dabadeed wuu ka gabaday oo uu gidaar isku leexiyay, yarkan oo meesha taagnaa ayaa ka shakiyay ninkan gidaarka isku leexiyay, dabeeto wuu u yeedhay, Cabdillaahi-na intuu is dhaga mariyay ayuu hoosta talaabada ka xaday, way daba yaaceen isaga iyo nin kale, manay garanayn qofkan ay qabanayaan ama daba yaacayaan cida uu yahay, sidaa ayay ku gaadheen oo ay ku qabteen, markii ay geeyeen meel guul-wade iyo waxaasu joogaan oo ku dhaw ayaa la gartay inuu yahy Cabdillaahi Askar, waa sida nimankii ay isugu dhawaayeen Cabdillaahi iyo yarkaba ay sheegeen. Waxa kaloo aan is dul taagayaa kuwa uu leeyahy tiyaatarkay ka hadlayeen, waxa weeye shaqaale dawladeed oo markaa ahaa la hayste, kuna qasban inta uu helayo meel uu ka baxo inuu is daad raaciyo, haddaba marka aan taa lafteeda baadhay waxa lay ii sheegay in ay isku laf hoose yihiin odayadan uu sheegayo Muuse, laakiin uu kaga aar goosanayo

 

inay ka hor yimaadeen maalintii shirkii Agabar, ayna isku siyaasad ahaayeen Samaale. Waxaanu ku tiraabay inay u adeegayaan cadowga Qaranka, tolow cadowga qaranku ma waxa uu u yaqaanaa Xisbiyada UCID iyo WADANI, oo uu ka urinaayo Garxajisnimo. Haddaba marka uu Muuse doonayo kursiga ugu sareeya wadanka ee ay luqadiisu tahay taynu ogaynahay, ee anigoo wax dili kaara duco qaadan mayo, iyo tan uu jilibkiisii yaraa ee hoose ku kala rifayo, ma u qalmaa nin wadan hogaamin kara ama u xaq soori-kara Beelaha Somaliland, jawaabta su’aashaa waxaan u dhaafayaa akhristayaasha…

 

Loolanka ka dhex socda xisbiga kulmiye marka horeba, inamadu waxy ahaayeen dhoobiyo geel aanay lahayn la jooga, hadday yihiin kuwa aan ahayn Reerka Siilaanyo isu wada geeyoo. Waxaan sidaa u leeyahay Xisbiga Kulmiye loo bixiyay reerbaa maal galin jiray 80% dhaqaalaha, waxaana lagu waraabin jiray qabyaalad iyo reernimo, waxa lagu shiray Gar-adag, waxaana la gudaansaday sidan waxa u socdaan, gudoomiyihii golaha guurtiduna waakaa aad aragtaan, oo danta reerku waxy ku jirtaa maadama uu Garxajis inaga soo hor jeedo, Arab intiisii badnay, Samaroon, Sacad muusena dabkiisu soo hurayo, dhaga-weyne, Maxamed xaashi iyo Xasan ciise-na is raaceen, nin dhiig aynu faraha u galino horena ugula jiray, si kale haddaan u dhigo, oo neceb Garxajis ayuun baa ina anfaca, markaa wadaad iyo ciyaal wakhtigoodii maaha, ee inta aynu ka talaabsanayno biriijkaa, Muuse haloo daayo gudoomiyeha, waa siday Siilaanyo u marsiiyeen inuu ku qanco iyakoo adeegsanaya inan uu dhalay oo la yidhaahdo kulmiye, Saleeban Gaal iyo salaadiin iyo cuqaal. ma dawladnimaa ma xisbibaa, ma qarannimaa…

 

Waxa xadhigan oo dhanna xidhay Maxamed Kaahin, oo dhinacna reernimada ka difaacaya dhinacna Muuse is tusaya inuu wax la wado,  iyagoo mar walba raba in Muuse ahaado bakoorada laysaga dhigayo mucaaradnimada beesha garxajis,  waxaanse ku kalsoonahay maanta in aan la joogin maalintii Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal, Barbara ka abaabulayeen dagaalada sokeeye, filimkaasuna gubtay.

 

Waxa is waydiintu tahy haddiiba lagu heshiiyo in aan lagula tartamin Xisbiga Muuse lana siiyo gudoomiyaha, si looga dhigto shaabuug lala dhaco Madasha Wada Tashiga iyo Xisbiyada Mucaaridka ah iyo ta garabka kale ee kulmiye, oo uu hadadan bilaabay caydooda iyo buuqa kaga furan reerkiisa iyo jufadiisa hoose, ma u wada babac dhigi kara Muuse. Marka uu ka soo jeestana waa maxay waxa uu ku badashay dhagarahaa. Jawaabta, waxaan u dhaafayaa akhristayaasha, miyaanay la mid ahayn uun balan qaaadkii Burco ee logu sasabay gudoomiyaha ayaad noqonaysaa,  WALLEE Muusaan Turub Baran…

 

Haddaan u soo noqdo madaxweynaheena, isgu waa ninkii yidhi anoo markii horeba ooyay bay weylina igu sii joogsaty, Siilaanyo waligiiba go’aan adag muu qaadan, oo labac labacda wuu ku dhashay, waabana tiiyoo ay u raacday sida uu imika yahay. Oo markii horena dumar iyo ciyaal shookaanta u hayeen, haddana Salaadiin iyo Cuqaal iyo Labadaa Nin ee u ban baxay kala qaybinta dalka iyo dadka, Saleebaan qabyaalad yuururta iyo Ina Kaahin.

 

Gabagabo, dadka waxaan kula talin lahaa inay samraan oo ay feejignaadaan, maanta uma suuro galayso inay reero isku dhuftaan, dhawaan waa laga faraxalan doonaa 4 tan nin. Sidii uu sheegay Ibraahim dhega-weyne, dalku wuxuu u baahan yahay dibu xorayn, wakhtigaana sixi doona oo nin walba gacanta ku soo qaban….

 

La soco qayb dabe oon kaga warami doono  samaale & muuse I yamaa gardarn.

 

Engineer Ahmed Mohammed  Omar.

articles1991@live.com>