Roobab Khatar Galiyay Dadweynaha Reer Burco Oo 24-Saacadood Ee U Danbeeyay Burco Si Xawliyay Uga Da’aayay. Daawo Sawiradda

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Roobab laxaadleh ayaa 24-saacadood ee u danbeeyay si xawli ah uga da’aayayay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer iyo deegaamadda ku xeeran ,kuwaasi oo suuqyadda magaalada ka dhigay Bad-wayn.

 

 

Roob2

Roobabkan  oo curtay shalayto ayaa xariray isucodka bulshadda ,gaadiidka iyo waliba ardayda dhigata Dugsiyadda magaalada Burco ,kuwaasi oo aan saaka Dugsiyadda ka xaadirin ka dib markii ay cabsi xoogani ka dhalatay Raxmaadkan oo aan murqudha qaadin ilaa shalay ilaa xalayto

.

 

Geeta kale wali si rasmi ah looma xaqiijin wax khasaare ah oo ay roobabkani gaysteen ,inkastoo la xaqiijiyay biyuhu in ay Suuqyadda magaalada iyo waliba qaar ka mid ah xaafadaha gaadheen Laba Mitir ,waxaana jira sida la sheegay guryo badan oo ay biyuhu galeen.

 

Roob3

Waxaase xusid mudan Raxmaadkan ayaa khadar galiyay bulshadda reer Burco ka dib markii uu kala qaadiwaayay isla markaana guryaha laga bixiwaayay.

Roob4

 

Roobabkan ka da’aaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa noqonaaya kuwii ugu xooga bad-naa ee gobolkaasi ka da’a Sanadihii u danbeeyay ,isla markaana waxa ku diirsaday dadweynaha ,kuwaasi oo si diiran usoo dhaweeyay.

 

Burcomedia.com

Burco Office.