Roobabkii Dayrta Oo Si Xidhiidh Ah Uga Da’ay Guud’ahaan Gobolka Togdheer Iyo Fariinta Barokacayaasha Burco

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Magaalada Burco ee xaruunta Gobolka Togdheer  ayaa waxa  Maalimihii u danbeeyaya ka da’aayay Roobabkii  dayarta ,kuwaasi oo maasheeyay qaybo badan oo ka mid ah guud\ahaan gobolka Togdheer iyo Nawaaxigiisa .

 

Roobabkan ayaa oo sin weyn loogu qabawsaday ayaa waxa si diiran usoo dhaweeyay dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco iyo waliba deegaamada gobolkaasi .

,kaasi oo aan wax khasaare ah gaysanin isla markaana xoogiisu maasheeyay deegaamada Burco ka baxsan.

 

“ Roobababkani gobolka intiisa badan way heleen Burco-na waadigaa arka oo uu xaadhay markaa  ilaah baa mahadleh  ”Sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah dadweynara reer Burco oo la hadlaayay Shabakadda Burcomedia.com.

 

Dhinaca kale Roobabkan ka da’aaya gobolka Togdheer oo maalmihii u danbeeyay si xidhiidh ah u da’aayay ayaa waxa ka cabsi qaba in uu waxyeelo gaadhsiiyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan Kaamamka barokacayaasha Burco ,waxaaney baaq u direen Xukuumadda iyo maamulka gobolka Togdheer .

 “ waxaanu nahay qoyasas danyar ah ma haysano wax aan kaga gaashaamanao roobabka waxaan ugu baaqaynaa xukumada Somaliland iyo mamulka g

Gobolka Togdheer in ay nala soo gaadhaan kaalmooyin xaga Roobabka ah   ”Sidaasi waxa yidhi Oday Xuseen Jaamac oo ku nool Xaadafadda Barokacayaasha Aadan Saleeban ee Burco .

VLUU L310W L313 M310W / Samsung L310W L313 M310W

Sidoo kale Roobabkan Dayrata ayaa ku soo beegmay wakhti uu Kulayl badani iyo Biyo yaraani ka jireen gobolka Togdheer ,waxaanu buuxiyay Baraagihii iyo Baliyadii biyaha laga cabi jiray .

 

Maxamed Cali

Burcomedia.