“Saldanaddu Maaha Askari Ay Dawladdu Qorato, Mana Aha Mid Dawladda Loogu Guul-wadeeyo ” Suldaan Si Aadag Ugu Jawaabay Badhasaabka Gobolka Togdheer Mr. Xamarje.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Suldaan Maxamed Muuse Cune (Farax-dayr) oo ka mid ah  Salaadiinta caanka ah ee gobolka Togdheer ayaa  si adag uga jawaabay hadallo uu sheegay in ay dhawaan kasoo yeedheen badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarje  oo uu xusay  inuu wax kaga sheegay shakhsiyadiisa iyo waliba sandaladiisa.

Suldaankan oo ka mid ah salaadiinta tirada yar ee aan guul-wadayn isla markaana dhaliisha iyo Musuqa Siilaanyo banaanka soo dhiga ayaa Qoraal kooban oo uu badhasaabka kaga hadlaayo Saxaafadda u qaybiyay waxaaney u dhignayd sida tan .

” Aniga oo ah Suldaan Maxamed Muuse Faarax Dayr marka hore waxaan salaan khaasa u dirayaa Bahada shabakada  wararka ee madaxabanaan . Aniga oo ku hambalyaynaya sida dhex-dhaxaadnimada leh ee ay u soo tabiyaan wararka intaa kabacdi.

Waxaan ka jawaabayaa hadal kasoo yeedhay Badhasaabka Gobolka Togdheer oo xanbaarsanaa af-lagaado madax-dhaqameed mar uuwarasi siinayey TV afka somaliga ku baxa.

Mid ka mid ah hadaladaas oo ay ku jireen hadallo gef ku ah Aniga iyo sandaladayda. Somalida ayaa waxay ku maah-maahdaa “Inanta Rajada ahi hablaha kama xoog weyna ee waxaan labarin dhidhiibso” markaa waxaan uga socdaa Xamarji waxaan labarin shaqada uu leeyahay.

Saldanaddu maaha Askari ay dawladdu qorato, mana aha mid dawladda loogu guul-wadeeyo oo loogu shaqeeyo, mana aha mid daqiiqda umadu leedahay lagu xado.

Sandaladda waxaa doorta cidduu suldaanka u yahay maaha mid adiga ansixin kaaga baahan waa mid qusaysa cidii dooratay .

Waa mid ay  wada yaqaaneen maamulladii kaa horreeyey ee gobolka soo maray iyo madax-weynaha jamhuuriyaduba. Anigu ka suldaan ahaan ma iman xafiiskaaga waana arin laga wada dheregsan yahay inaanay imanin dadka sharafta leh siday ka dhawaajiyeen xildhibaanada golaha deenkuba.

Maah-maah Somaliyeed ayaa ahayd “Islaan fuushan foodyo-bagaare gaadhi ayaa maradii ka dhacday kirish-baygii ayey ku tidhi miyaan magaaladii la gaadhayn, wuxuu ugu jawaabay magaaladii wey dhow-dahay ee adigu masidan  ayaad ku galaysaa” markaa Xamarje adigu ma sidan ayaad ku ahaanaysaa Badhasaab?!!!

Ugu dambayntiina aniga ayaa xaal isa siiyey wixii aad I tidhi aniga. W intaas ayaa kugu dhaafaya aniga ayaa xaal isissyey wixii aad itidhi aniga. Xafiiskaaga cidda timaadaana waa cid aan garanayn Shakhsiyaddaada iyo Taariikhdaada madaw.

Wabilaahi Tawfiiq.

Burcomedia.

Hargeysa Office.