Silaanyo Hadduu Rafto iyo Hadduu Isasuuxiyaba, Doodda Qaran Waa Laysugu Imanayaa, Suldaan Qabiilo Caleemo-saaratayna Haduu Siyaasad Ku Milmo, Edaab Yeelo Ayaa Ku Filan

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa balaayada aan kaa qoslini balaayoba maaha. Mararka qaar waxaan is idhaa maahmaahahan malaha soomaalida joogta maaha kuwa garaadkooda wax ka taraysaa, ee waxaa malaha jiray Soomaali hore, oo dhulkan ku noolaan jirtay oo tan maanta ah ka duwan. Waxaan yaabay marka aan maqlo XISBULXAAKIMKA dad afkooda ku adkaynaya. Qaar iyaga oo xoog bidaya erayga odhanaya haddaanu nahay xisbul xaakimka waxaanu samaynay sidaa, iyo sidaa. Malaha qaar ayaa u haysta in ay dikreetooyinka siiraanyo sharkaddiisa dahabshiil habeenkii u qoro, ee warshadda sibidhka ay fadhiyeen halkii lagu qorayay. Ama ay joogeen markii uu qandaraaslayaasha beeshiisa ah, uu madaxtooyada ugu saxeexaayay inay lunsadaan mashaariicdii dibuhabaynta madaarrada dalka, ee siddeedda malyuun ku baxday, ama ay wax ka qoreen afarta maljuun ee uu u ansixiyay wasiirka duulista ee qandaraaskeedii rag gacanta loo geliyay.

Ama ay fadhiyeen qandaraaslayaasha dhismaha wadada burco, iyo ceerigaabo, awgood loo geeyay maamulkeeda madaxtooyada, si afarta malyuun ay uga faaiidaystaan.

Qofka xisbulxaakimka sheeganayaa halkeebuu ka soo galaa go’aamada beelaysan ee siiraanyo, ugu dam iyo dig leeyahay inuu berbera ka dhigo xarunta dahabshiil, ee baloodhada reer berbera loo diiday, uu kolba mid midiidin ah, ugu gabraaranayaa, si uu ugu saxeexo.

Waa wax laga naxo qof wixii siiraanyo qarribo, ee xunba sheeganaya inuu taladeeda wax ku leeyahay. Waxaa malaha ku habboon ruuxa caynkaas ah, inuu miyirkiisa dib u baadho, oo is weydiiyo in siiraanyo waxuu falayo isaga talo ka weydiiyo, iyo in kale.

Waxaa intaaba ka sii yaab badan qaar aad mooddo awrka rarayga ah. Sida awrka rarayga ah u caadada ah, waa awr aan geela lagu darin, oon qoodhnimo loo haysan, waa awr aan cad laga raadsan, waa awr aan caano laga filaynin, waa awr aan geela gadhqaad u noqon oo aan soofka geela horjooge, iyo horgooye, soo dabbaala midna aan ahayn. Waa awr marka reerku guurayo uun intaa caynka iyo baydkaba lagu giijiyo, oo xadhiga isweydaar loogu soo rogo, rarka dusha lagaga guro. Haddaba hadduu ruuxu sidaa noqdo, isna isu haysto, inuu xusbi ku jiro, ama taageero, waxuu danta ummadda ka ogyahay, iyo waxuu talo ka bixiyo oo cidi ka dhagaysatona aanay jirin, inuu malaha ka xishoodo, ama ku faano waa xusbigayga, iyo erayo kuwaas u dhaw, ayaa qummanaan lahayn. Waase yeelkii hadduu door bido inuu garaadkiisa kaydsado, oo aanay maskaxdu shaqaynin.

Waa yaab ruux hadduu wayn yahay, oo rabbi ka dado waxa uu la waynyahay. Ninka yidhaa suldaan ayaan ahay, waxaa malaha quruxbadnaan lahayd, inuu ogyahay, miisaankiisa, iyo awooddiisa, iyo waxuu gali karo, iyo waxa aan laaqigiisa ahayn. Suldaan waa ruux ay haybo gaar ahi samaysteen, cidna aanay kala tashan, dantooda ka shaqeeya, cidkale se inuu farageliyo, ama kala doodo, waxa ay door bidaan, ama ummadi ay wadaagto, oo aan loogu yeedhan. Waxaa habboon in ruuxa suldaan sheeganayaa iska reebo hadallada meelka dhaca isaga laftiisa ku ah. Saa hadduu farogashado ummad danahooda ka hadlaysa, oo waxaan loo joogin meesha keeno, oo uu dad dano siyaasadeed wata, iyo kuwa maamulka loo dhiibtay, isudhigo inuu daanyaqaad u noqdo. Waxaa ku filan ”yaa qariib kuun addiib”. Lama arag suldaan isku macsuuma inuu danta ummadda intuu isdhextaago, isu dhiga inuu suldaan u yahay ummad iyo qaran, ee waa inuu ogaadaa, in hadduu ku joogi waayo qaddarinta loogu hayo haybta uu sheeganayo inuu suldaan u yahay, oo uu hoggaanka soo goosto, hangool farraarro leh la iskaga qaban doono, oo isaga oo foolxumo saarantay, uu halkuu iskasoo beenfariimay ku noqondoon.

Danta qaran haddii laga doodo, ninka udhigaya siiraanyo ayaa la ridayaa, waa maan gaab, waa ruux aan waxba ogayn, waa ruux lagu guuro, hadhawna cidlada lagaga guuro, markuu waxwalba bi’iyo. Waa ruux aanay runta iyo beentu u kala soocnayn. Waa ruux aan miyirkiisa ku socon. Haddiise uu ka xunyahay siiraanyo ayaa la ridayaa. Ma wax laysku doorsadaa siiraanyo inuu badbaadiyo, iyo inuu qaranka badbaadiyo. Haddii ay dhici lahayd in siiraanyo yidhaa somaliland aynu baabi’ino waxuu noqon lahaa ka aan maya yidhaahdeen.

Siiraanyo waa qofka wasaaradihii dalka ka jiray, ee ummadda u adeegi jiray, halkii uu dardargelin lahaa hawlaha ay qabtaan, oo shaqadooda kordhin lahaa si shaqaale badan loogu abuuro, ka wareejiyay, laamihii wax soo saarka ee shaqooyinka laga abuuri jiray, hadday tahay hawlaha guud, hadday tahay dekedaha, hadday tahay dawladda hoose, ee intii shaqo abuurka samaynaysay hoos keenay madaxtooyada, ee qandaraaslayaal aan ummadda danteeda eegaynin ku siiyay inay ka faa’iidaystaan, halkii hanti dawladda usoo noqota ay noqonlahayd faa’iidadu, oo bililiqo la geliyay dalkii. Waxuu u horseeday in ruuxwaliba ku taamo intaan lagaa dhamaysan, wax ka boob, oo yaan lagaaga horrayn. Waxuu geliyay, in madaxtooyadu noqoto, meesha wixii sharci lagu doonan jiray, ee xafiisyada maamula loogu tegi jiray, ay fuliso, oo qofku aanu uba baahan inuu xafiis wax u doonto, ee uu dantiisa ka soo fushado madaxtooyada, oo halka looga soo dhameeyo dan kasta oo kaga xidhanta hay’adaha qaranka.

Siiraanyo waa ceebtii u waynayd ee dalkan soo marta, haddii ay innaba ceebi jirto, oo ishu qabato.

Waa madaxweynihii ugu horreeyo, ee baratakool dawladeed ka xuubsiibtay, ee isku qiray inaanu xafiiskiisa maalintii waxba ka qaban, ee uu habeenbadh DIKREETOOYIN SAXEEXA, ee warbaahinta ka iclaamiya. Waa ruuxa saqda dhexe xarumaha dawladda yidhaa waan soo kormeeray, ee weliba foolxumada kuwa la socdaa kasoo duubayaan, iasga oo habeen booqanaya xarumaha. Waa ceeb sideeda u taal.

Siiraanyo waa madaxweynaha raggii dalkan xoreeyay, markuu London sida miskiinka magangalyada ku joogay, uu Burco fagaare cidwaliba joogto, ku sheegay qaar balaayo wadayaal, oo dalka qasaya, ee weliba raaciyay, ”UF” ayaan ku idhi ee reer Burcow idinkuna UF ku dhaha.

Waa ruuxa qofka uu colaadsado Rag iyo Dumar aan kala reebin. Waynu ognaha Xaruntii Akadeemiyada Waxbarashada Berbera ee Tabaruca lagu dhisay, ee colaadda FAADUMO SICIID, ay keentay inuu Ramaax usoo kiraystay, si uu ugu dhibaateeyo. Waakii dugsigii dhammaa ee madaxa bannaanaa ku sheegay Hanti qaran , iyo inuu guddoomiyaha gobolku la wareego, ee cidwaliba ka yaabtay foolxumada siiraanyo sameeyay. Way dhacday oo LUUL XASAN, ururkiimadaxa bannaanaa ee xarunta CARRUURTA DERBI JIIFKA , uu soo dagaalgeliyay wasiirkiisa Shaqada, ee uu xoogga kula wareegay MAXAMUUD BARRE GARAAD. Oo maangaabnimadiisa aan foolxumo u arkaynin carruurta uu fadqalalada gelinaayo, halka kuwaa aroorwalba tahriiba, ee badaha ku dhimanaya aanu isku deyin inuu wax uqabto, ama shaqo u abuuro. Oo uu xarumaha madaxa bannaan kolba mid shahaadadaha ka bixiyaa, waa foolxumo aan isdhaamin.

Waxaan ruuxna laga baryaynin in la weydiisto, siiraanyo iyo ku kale toona, dalka dantiisa ma ka hadli karnaa, oo ummaddu wax ma iska weydiin kartaa, oo talo iyo tusaale ma la isku biirin karaa. Waa wax af kaweyn, in si ubadka la isku maaweeliyo. Haddaynu wada hadallo waynu isdilaynaa. Malaha haddaan la wada hadal ayaa laysdili doonaa.

Haddaynu maankiina gelin kari weyno aynu xusbiyo iyo aqoonyahannaba wada hadallo, waxaynu malaha ka doorbidaynaa inaynu, sharciga iskala baxno oo markaas aynu uun u wada hadallo REERO HEBALO.

Wasiirrada siiraanyo u dirayo suldaannaduna waa ceeb inay qaranka qabiil dhexgeliyaan, waa hadday rabaan in dalkani horumar gaadho. Suldaan siiraanyo lacagsiiyaana dalka ma laha mana maamulo, taldiisana cidi uga haybadaysan mayso. Ee dalkan basar ha loo wada hadlo, nabadda idinkaaban malaha jeclayn in lagu noolaado eh.

Doodda qaranna waa lagaaga baahan yahaye noolow ku tasho.

Mahadi waa ta Ilaahay.

Eng. Axmed Youssuf
(Ahmed Jicsin)
jicsin@hotmail.com

jicsin@hotmail.com

London U. K.