Waa Sidee Xaaladda Dhalinyaradda Gobolka Togdheer ? Warbixin Xiiso Badan..

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Dhalinyarada magaalada burco waxay ahaan jireen kuwa ugu hormuudsan dhalinyarada Somaliland ,Waxayna  ahaan jireen tiir adag mudo 20 sanadood ka hor ah

Dhalinyarada gobolka Togdheer waxay kale oo ay ahaan jireen dhalinyaro kuwo lagu tiriyo habdhaqan wanaagsan .

 

Hadaba dhalinyarada gobolka Togdheer waxa la soo daristay dhibaato aad u fool xun oo ay Kow ka  tahay qabyaaldu iyagoo aan kala garaneyn qabiil iyo qabyaalad

Dhalinyarada Gbolka Toghdeer oo lagu yaqiinay kuwo isu calool furan  iyagoo gacmaha is haystana guulo aad u wanaagsan oo la taaban karo gaadhay oo ay ka mid ahaayeen horumarka wadanka iyo wax barashada .

Sidoo kale dhalinyarada Gobolka Togdheer  waxay guulo ka soo hooyeen tartanka ciyaaraha dhalinyarada Somaliland  iyaga oo lahaa miqaalifo iyo  kalsooni,

 

Sanadkii 2002dii dhalinyarada gobolka togdheer waxay ka qayb galeen tartanka g/s/land iyagoo laga guulaysatay koobkaasi

Balse dadaal ay sameeyeen awgeed waxay kareen sanadkii ku xigay in ay soo qaataan koobkaas iyagoo soo celiyay sumcadii, sharaftii gobolaka togdheer lagu yaqaanay .

 

Wixii ka danbeeyay  sanadkaas dhalinyarada  gobolka Togdheer  waxay noqdeen kuwo maalinba maalinta ka danbaysa sii kala fogaanaya

Waxaana meesha ka  baxday kala danbayntii iyo walaaltinimidaa ay lahaayeen

 

Xulka dhalinyarada gobolka togdheer  bal aynu eegno sida ay uga qayb qaataan isu socodka horumarka degmada iyo ta dhalinyarinimo ahaan

Bal aynu eegno  sidee uga qaybqaateen is dhex galka dhalinyarada somaliland

 

Sanadkii 2011 kii  xukumada Somaliland waxay qabatay koobka ciyaaraha dhalinyarada soomaliland tartankaas oo lugu abtay magaalada Burco

Iyadoo ay leedahay garoon aad u weyn

 

Sahacabka reer Burco ayaa ku hanweynaa in ay dhalinyaradoodu ay guul wacan ka gaadhi doonaan tartankaas balse nasiib daro dhalinyarada gobolka Togdheer khilaaf aad ah ayaa soo kala dhex galay iyagoo u laka saftay labada daamood ee magaalada Burco ay ka kooban tahay iyadoo aan ka qasneynba  dhalinyaradii ka qayb gashay tartankaa iyagoo lagu reebey

 

Dhalinyarad magaalada Burco ayaa joojisay is dhex halkii ay lahaayeen

Sidoo kalana waxa meesha ka baxay garoonka alamsay oo laf dhabar u ahaa dhalinyarada

Sanadkii ku xigay dhalinyarada gobolka togdheer iyagoo sidii u kala quban ayaya soo gaadheen tarrankii ciyaaraha gobolada su’aasha meesha taala ayay waxay tahay

YAA KA QAYB GALAYA TARTANKAN ? iyagoo labada daamood ay soo xusheen dhalinyaro tiro badan

Sidoo kale-na waxa awood u yeelan waayay isu duwaha wasaarada ciyaaraha ee gobolka Togdheer in uu soo xulo dhalinyaro tayo leh oo ka qayb gasha tartankaas.

 

Wasiirka wasaarada ciyaarha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa socdaal ku yimi magaalada Burco . socdaa;lkaas oo u jeedadiisu aheyd wax ka qabashada khilaafka dhalinyarada gobolaka togdheer  wasiirka waxa qarbo qarbo ku noqotay in uu dhayo boogta ay dhalinyaru ka bugto oo ah qabyaalada

Dhalinyaradu waxay tageen magaalada hargeysa iyagoo laba gaadhi kala raacay waxaana socdaalkaas ku wehelinaayay badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarji  iyo duqa magaalada Maxamed Muraad  iyagoo kala banbaaninaayay dhalinyaradu in ay isku dhacdo balse

Dhalinyarada gobolaka Togdheer waxa u soor tagashay siday rabeen iyagoo isku ahaa bisads iyo jiir

Dagaal ayaa dhex maray iyagoo isu soo qaatay hubka ayb ka midka yihiin {BAASKOOLAD  }

Balse waxa  uu  Wasiirku markii danbe go,aansaday in uu xabsiga u taxaabo xulka dhalinyaradda gobolka Togdheer .

 

Arintan ayaa waxay  naxdin iyo fajaciso ku noqotay dhalinyarada gobolada somaliland

Sidaasna ay kaga hadheen kobkii dhalinyarada Somaliland

Hadaba dhalinyarada gobolka Togdheer ayaa  ku sii siqaysaa qabyaaladu iyagoo ay awood u yeelan waayeen madaxda gobolku in ay isu keenaan dhalinyarada .

 

Xukumada Somaliland  iyo wasiirka ciyaaraha ayaa dhago jalaq u siin  wayay in ay soo afjaraan  kala qubsanaanta dhalinyarada magaalada Burco ,si cududooda gobol-nimo loo mideeyo.

Waxaana xusid mudan Hadaba halkee ayay ku danbayndoontaa xaalada dhalinyarada gobolaka Togdheer??????.

 

 

Maxamed Cali Boodhle.

Burcomedia Repoter.

Burco Head Office.