Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Badhasaabka Gobalka Daadmadheedh Oo Dardar Galinaya Hawlaha Shaqo Ee Wadada Isku Xidhi Doonta Gobalka Togdheer Daadmadheedh Iyo Maroodi Jeex Ayaa Saaka 12 Tuulo oo Hoostaga Goblka Daadmadheedh Ku Soomaray Kormeer By: Sakariye Sh Maxamed Cabdi (Jaylaani)

Filed under: Latest News |

gudoomiyaha daadmadheedh

Wafti Balaadhan Oo UuHogaaminaayo Guddmiyaha Gobolka Daadmadheedh Jamaal Xuseen Hurre Oo Isugu Jiray Salaadiin Cuqaal Xildhibaano Ka Mida Golaha Deegaanka Degmada Oodweyne Oo Mudooyinkii Ugu Dambeyeyba Socdaal Wacyi Galineed Oo La Xidhiidha Qaadhaan Uruurinta Xoolaha Wadda Dhismaheedu Socdo Ee Isku Xidha Gobolada Daadmadheedh Togdheer Iyo Maroodijeex Ku Maray 12 Tuulo Oo Ka Mida Deegaanada Hoosyimaada Gobolkani Daadmadheedh Deegaanadaasi Oo Ay Kulamo Kula Qaadteen Madax Dhaqameedka Wax Garadka Iyo Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan Kulamadasi Ka Bacdi Waxay Isla Qaateen Wafdigan Iyo Daweynaha Deeganadaasi Ka Qayb Qadashada Dhismaha Wadda Waxaanay Sheegeen Qaarka Mid Ah Deeganadani In Ay Bilaabeen Horaanta Xoolaha  Ay Kaga Qayb Qadanayaan Dhismaha Waddada.

Ugu Horayntiiba Waxa Halkaasi Ka Hadlay Sulaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Aw Good Oo Ka Mid Ahaa Waftidan Uu Hogaaminaayo Badhasaabku. Oo Ku Dheeraaday Ka Qayb Qaadashada Wadda Sheegayna In Ay Tahay Wax Muhiimad Gaara U Leh Bulshada Somaliland. Sidoo Kalana Waxa Halkaasi Ka Hadlay Gudoomiye Xariir Oo Ka Mid Ahaa Waftidan Qadhaan Uruurinta Wadda Iyo Qaar Ka Mida Wax Garadkii Deeganadaasi Ku Waasi Oo Dhamaantoodba Tilmaamay Ahmiyada Wadda Kana Dhawaajiyey In Ay Si Mug Leh Uga Qayb Qataan Wadda Iyo Dhismaheeda.

Gabagabadiina Waxa Halkaasi Ka Hadlay Gudoomiyaha Gobolka Dadmadheedh Jamaal Xuseen Hurre Isagoona Bulshada Deeganadaasi Ku Hambalyeeye Sida Ay Uga Qayb Qateen Qadhaan Uruurinta Wadda. Isku Soo Wadda Xooriyoo Waxa Mudooyinkii Ugu Dambeeyey Ka Socday Gibolkani Dadmadheedh Dardar Xoogan Oo Ay Kaga Qayb Qaadanaan Bulshada Ku Dhnaqan Deeganada Hoos Yimaada Gobolka Dadmadheedh Dhismaha Wadda.