Wajigii Hore Ee Dhismaha Madaarka Burco Oo La Dhamaystiray Iyo Lacago Lagu Lunsaday.

Filed under: Latest News |

Burco (BM)-Dhismaha madaarka Diyaarada magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo mudooyinkii u danbeeyay ,Dayac-tir ku socday isla markaana uu gacanta kula jiray dhismihiisa Wasiirka Duulista Hawadu Maxamuud Xaashi Cabdi oo hore u Lunsaday Lacago aad u farobadan oo u baahan in dabogal lagu sameeyo oo Madaarka Hargeysi lahaa ayaa maanta Wajigiisii Kowaad la soo gunaanaday ,sada laga dhawaajiyay .

Kulan lagu shaacinaayay dhamaystirka Dhismaha Wajiga Kowaad ee Madaarka ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiin kala gadisan oo uu ka mid ahaa Badhasaabka Gobalka Togdheer (Mr. Xamarje) ,Maamulaha Madaarka Burco Cabdirisaaq Siciid,Gudomiyaha gudiga dibu dhiska Madarka Sheih Cali Mowliid iyo waliba masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa Maayir ku xigeenka Burco (Mr Xoday )

” Waxaanu halkan ku dejinaynaa qalabkii loogu talo galay madaarka Diyaradaha Burco intiisi hadhay waxaananu dhamaystiray Wajigii hore ee Madaarka ,qorshaha dhow waxaanu ugu talo-galnay in aanu dhamaystiro guud’ahaan ,Sida aad maanta aragtaan Siligan waxa laga keenay Waddanka China,runtii waxaanu rajaynaynaa inuu madaarkani noqdo Madaarka ,madarada Somaliland ,Lacagta qalabkani ku baxday waxay kor u dhaafaysa( $ 150’000 Doolar Boqol iyo Konton Kun Oo Dollar) ” Sidaasi waxay ka mid ahaayeen hadalo uu goobtaasi  ka jeediya Gudomiyaha Gudiga Dibu dhiska Madarka Sheikh Cali Mawliid.

Badhasaabka gobolka Togdheer Axmed Cumer X- Cabdilaahi (Xamarji-yare) oo isna Madaarkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Dhismaha madaarkan  ” Waxaan ugu busharanayaa dadwaynihii ka gacanta ka gaystay Dhismaha Madaarka dhamaantod inay u Muuqato in la dhamaystiray qaybtii Security Madaarka,Waxaan Filayaa inuu Madaarka Burco noqon-doono mid Somaliland ku dhaadato ” Sidaasi ayuu Badhasaabku yidhi ,waxaanu hoosta ka xariiqay in aaney dhadhawayn hawsha Madaarku.

Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Xog-hayaha Madaarka Burco Yaasiin Maxamed Shide ,Maamulaha madaarka Cabdirisaaq Siciid iyo Maayir ku xigeenka Burco Muxumed Xasan Jaamac Xoday ,kuwaasi oo ugu baaqay bulshadda reer Somaliland in ay xoojiyaan taageerada Madaarka Burco.

Geesta kale Dhismaha madaarka Burco oo ay qaybo badan oo ka mid ahi qaybyo yihiin ayaa dadweynaha reer Burco maalmihii u danbeeyay waxay isla dhexqaadayeen in ay jiraan Lacago Madaarku lahaa oo la lunsaday,kuwaasi oo ay sheegeen in ay lunsadeen masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka duulista Hawadda Somaliland Maxamed xaashi Cabdi  oo hore u lunsaday lacagihii loogu deeqay Dhismaha Madaarka Hargeysa iyo kooxo Qawlaysato ah oo la shaqaysta oo Burco Iyo Hargeysa ku sugan,waxaana haboon in dabogal lagu sameeyo.

 

Enj . Dayib Cabdi Xariir.

Burco Somaliland

Burcomedia.com