War Deg Deg Ah. Hal Qof Oo Ku Geeriyooday Gaadhi Miino Kula Kacday Magaaladda Burco Iyo Baadhis Lagu Wado.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Hal qof ayaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay Gaadhi ay Miino kula kacday Saaka  Xaafadda Aktoobar ee bariga fog ee magaalada Burco Caasimadda Gobolka Togdheer.

Gaadhigan oo ay lahayd Shirkadda Laydhka ee Beder Electricity ayaa sida dad goob-joogayaal ahi Burcomedia u xaqiijiyeen dul maray Miino lagu aasay dhulka ,taasi oo Qarax laxaad leh u gaysatay Gaadhigan.

Qaraxan ayaa waxa ku geeriyooday Alle haw naxariistii Marxuum Mustafe Yuusuf Mire wadihii gaadhagan isla markaana waxa burbur xoogani gaadhay Gaadhigan Shirkadani lahayd ,balse lama sheegin cid kale oo qaraxani wax ku noqotay.

 

Geesta kale lama shaacinin cida ka danbaysay falkan Miinadda ah ee Gaadhigan lala eegtay  ,isla markaana waxa goobtaasi la geeyay Ciidamo badan oo boolis ah kuwaasi oo baadhis kala gadisan ku wada sababaha qaraxan dhaliyay iyo xaafadaha ku dhow dhow aagaasi…

Saraakiisha Booliska gobolka Togdheer oo aanu isku daynay in aanu Shilkan Miino wax ka waydiino ayaaney noo suurtoobin .

Waxa Xusid mudan Xaafadaha Burco qaybo ka mid ah ayaa waxa ku aasan Miinooyin ay kaga tagtay Xukuumadii Siyaad Bare oo had iyo jeer bulshadda dhibaatooyin kaadhsiiya kuwaasi oo ay Tahli-wayday Xukuumadda Siilaanyo in ay magaaladda ka Safayso ,waxaaney arimahaasi ka doorbiday Cayda Siyaasiyiinta ,Cadaalad-daradda And Korobshanka isbarkan ee aan laga xishoonaynin.

 

Maaha markii u horeysay ee Qarax Miino sedan oo kale ka dhaco Xaafad ka mid ah xaafadaha Burco ,balse dhawr jeer oo hore ayay sedan oo kale dhacday.

 

 

Burcomedia.com

Burco Head Office.