Warancadoow Cidda Aad Ogtahay Ha La Sugin Dooda Qaran Ee Hada Sheeg By Liibaan Fagadhe.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Qalinkii : Libaan xaji Fagadhe

 fagadhe

Maalmahanba waan idiin maqnaa oo maqaaladii qalinkii ba way soo socdeene waynu yara nasanun balse kolba wax iga  yaabiya markaan arko ayaan waraaqda iyo qalinka isla doontaa oo aan badhaa bal arimuu meelaha ay ka murgeen kadibna waxaan sameeyaa inaan bal isu soo maan guuriyo si wax yaabaha cakirani aynu ulafo gurno oo aynu u cadeyno xaqiiqda iyo waxa jira.

Shir jaraa’id oo uu qabtay wasiirka Arrimaha Gadudaha Somaliland ayaa waxa uu ku sheegay in uu ogyahay hagardaamooyin loo maleegayo dalka J/Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay in uu hayo cadaymo, iyo magacyada niman reer Sland ah oo u shaqeeya Soomaliya lacag fara badana ku qaatay sidii ay u mijo xaabin lahaayeen qaranimada Sland. Intaa waxa uu ku daray in ay hub iyo saanad ku dhex diyaarsadeen waddanka gudihiisa. Arinku marka uu halkaa marayo waxa inoo muuqday wasiir iyo wasaarad xil kas ah oo aad u fiiro dheer cadawgana gaadh ka haya.

Wasiirku intaa kuma e kaan ee waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay fariin uu u dirayo cidda maleegaysa hagardaamooyinka waxana u yidhi: waxaan idiin sheegayaa in aan hayo cadaymo sugan oo la xidhiidha qorshayaashiina, waxaan idiinka digayaa inaad faraha kala baxdaan oo aad joojisaan Shirka ama Dooda Qaran.

Akhristow  wasiirkii amniga, joojinta dooda Qaran ayaa kala muhiimsanaatay joojinta hagardaamooyinka uu inoo sheegay in laynala beegsanayo (waa haddii ay jiraan). waxa kale oo uu inoo cadeeyay in aanu talaabo ka qaadaynin hadii ay farraha kala baxaan shirkan sida fiinta ay uga qaylinayso Xukuumadu.

AHN Abwaankii waynaa ee Qaasim, markuu lahaa ‘ Markii Talada Habaar Siiraanyo iyo Timo Cad loo dhiibay , ayaa Saan Cadaaliyo Nin Raggi Sibir Dhaqaaqeen waxa aan filayaa cidda uu u jeeday in ay ahayd adiga (Timo Cad) iyo ciddii kula mid ah. Odhaah Carbeed baa tidhaa JIIB NOWM TAANI, ama Sheeko Kale Keen. Saaxiib waa ragii SNM kuu sameeyay ee Soomaaliland kuu sameeyay ee kuu diyaariyay kursigan aad hadba dhinac isugu wareejinayso ee u naf iyo maalba waayay. Bal adna taariikhdaada dib u eeg .Habeen dibad umaad hoyan oo adaaba noo sheegay. Afwaynaad la dhamaysatay oo Sland baad la bilawday, dawladii Cigaal ayaad ahay, tii Riyaalaad ahayd, tana waad la joogtaa Aduunyada lama arag nin inankii uu dhalay ku duulaan ah. Kaa asmicimayno Xassan Ciise, Maxamed Xaashi, Dhagawayne, Xassan Guure iyo kuwa lamidka ah ayaa Sland mijo xaabinaya. .

Malaa shicibka waxa aad u haysataan dad dhoohan oo aan xasuus lahayn 1998kii, markii koonfurta Hargaysa laga waday shirkii salaadiinta si loogu mijo xaabiyo dawladii Cigaal, miyaanu Saleebaan Gaal ahayn kii hogaaminayay, Miyaanu Muse Biixi ahayn kii wax ka waday ee ay Cabdilaahi Darawal oo dowlada ahaa isku af lagaadaynayeen saxaafada, Miyaan adiga oo Waran Cadde ah oo ka soo cadhooday dowlada oo rabay Xoghayihii Xisbigii Udub inaad Noqoto ee Cabdi Aw-daahir laga dhigay miyaanad ku soo biirin madashii barigaa. Waliba aan ku xasuusiyo kalmadihii aad ka lahayd   Miyaanad aheyn kii Maahmaahdii Islaanta Soo qaatey ee yidhi  (adiga oo cadaynayay inaad dowlada ka mid ahayd balse ka baxay hada) Anagu hilibka waanu idiin calaalin jirnay, ummadu waxay u baahantahay mid hilibka u tunta. oo aad uga jeedo wada shirka iyo mijo xaabinta. Kulanka maalintaa u Cali ka hadlayo waxa la hayaa iyada oo maqal iyo muuqaalba ah ee bal car hasoo beeneeyo.

Saddexda nin ee aan halkan ku magacaabay waa Saddexda hadh iyo habeen u tafo xaytay dhaleecaynta Dood Qaran. Malaa dadka qaar ayaa u haysta in Distuurka ay iska leeyihiin oo sharcigu la guur-guuro hadaba waxaan leeyey ragani iyagu marabaan in ay iyagu u tumaan ee iyada leeyiin ha u tuma oo haka calaalinina.

Waxaa la yaable Ninkan warancade ee habarta faalisada ah u taga ee ay fahantey waxa uu kolba ka rabo, waar miyaanad aheyn kii shaley uun isagoo aan xilka heyn lahaa Xukuumada Siilaanyo way ogtey Ciidamo loo tabo baraayo inay duulaan ku soo qaadaan Somaliland oo ay dowlada Masar iyo qaar kale  Kadambeeyaan ee Saxaafada isugu yeedhaayey ee lahaa dowladu waa huradaa oo waa leynagu soo socdaa waxaana xukumadu rabtaa mijo xaabinta qaranimada Somliland.

Waran cadow waa run liiskan aad heyso oo waa kii uu kuu dhiibay Siyaad Bare maarkaad la shaqeyneysey ee SNM ta eed aheyd Nabad sugida ee aad odhanjirtey Madaxdii Mujaahidiinta afartii injirta lahaa Siyaad waanu ku daba jirnaa oo waanu soo qabaneynaa oo faylashii ayuun baad sidii usidataa wali kaamay dhaadhicin inay Somaliland xorowdey oo qaranimadeedii la soo noqotey oo ay 22 sano jirsadey waxaana taa cadeyn u ah markii Siyaad Bare laga saarey koonfrta ee uu usiisocdey GARBA HAAREY miyaanad aheyn adoo la socda oo la qaxey nimankii uu ku yidhi (Waar iimaanka alle idinka qaadye xageed ku socotaan ordoo dadkiinii utaga ee aad tidhi intaad naxdey anuu abtigey ina Saleban Daflaan la socdaa ) adiga iyo rag kale oo aanan jecleyn inaan halkan ku soo qaado oo aan maalintooda la sugi doono markaa waxaan ku odhanlahaa bal hadaanad liiskii hore ilayn waaba halis ragaasi maxaad la sugeysaa dee Soo qab qabo intaan Shacbiga dhib la kulmin.

Waxaan ku soo gaba gabeyn lahaa markaad adiga iyo inta kula midi abaabuleyseen shirkii beeleedyada ee aad adeegsaneyseen salaadiinta waxaa lahayaa iyagoo duuban oo cad waana lasoo bandhigi doonaa ,Waxaan ku odhan lahaa soo qabo raga aad sheegtey shacbiguna way kaaga fadhiyaan.

 

DHAMAAD

GUUL ALLA

libanfagadhe_1@live.com