Warbixin :Xukuumadda Siilaanyo Maxaa Uga Qorshaysan Tahriibka Dhalinyaradda Somaliland ?

Filed under: Latest News |

Burco{BM}- Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo ayaa markii uu ku jirayTartanka       Doorashada Aqalka Madaxtooyada Somaliland waxa uu Balan Qaaday in uu Sameynaayao Shaqo abuur kaasi oo uu  ku Dhaliili Jiray Madaxeynihii ka horeeyay Daahir Riyaale Kaahin  in uu Dhalinyarada iyo Dalka uu u horseday Shaqo la’aan Baahsan .

 

Hadaba isbedelkaa uu ku dhawaaqay Axmed Silanyo  ayaa ay Dhalinyaro badan iyo guud ahanba Shacabka Reer Somaliland ay ugu Deeqeen Codkoodii iyagoo Rumaysnaa in uu la Imanaayo Isbedel Dhab ha ..

Dhalinyarada Somaliland ayaa iyagu ahaa kuwii ugu badnaa ee Axmed Silaanyo ka Dhursugaayay isla markaasina Codkoodii ugu Deeqeen

Sidoo kale  waxa Mudooyinkii u danbeeyay Dalka Somaliland  ka Tahriibaysay Dhalinyaro tiro badan oo u sii jeeda Badweynta iyo Saxaraha Liibiya .

 

Dhalinyarada Somaliland ayaa sababta u weyn ee Dalkooda ay uga haajirayaan ay Tahay Shaqo la’aan ka jirta Somaliland.

Hadaba dhalinyarada Tahriibaysa ayaa u Badan Ardayd Jaamacadaha  dhigata iyo kuwa Secondariyada, ah

Hadaba Gobolada Togdheer iyo Awdal ayaa dhalinyaradoodu ay aad u Tahriibtaa

Dhalinyarada Tahriibta ayaa ay Ciideamada  ilaalada  Kaantarooladu ay birya ay ka Qaadan Dalaka ay sii maraan Dhalinyarada Tahriibta ay Waxa ay yihiin Dalka Itoobiya iyo Jabouti  kadibna Ay sii maraan dalka Sudaan

 

Hadaba Dhalinyaraadaas Tahriibaysa ee Reer Somaliland ah  Dhibaato ayay kala kulmaan Dalalk Itoobiya, Sudaan., iyo Jabuuti iyagoo lagu Sameeyo Dilal Badheedh ah iyo Jeel  lagu xidho iyo Kufsi Wdareed lagula kaco Haweenka Reer Somaliland ee iyagu u Tahriibaaya  Mana jirto Qorshe cad oo ay ka soo saaratay Xukumada Somaliland

 

Hadaa Dhalinyarada Reer Somalind ee Tahriibtay ayaa iygu ku Quudh Baxa Badweynta Hindiya iyo Saxaraha Liibiya.

Dhawaan ayay ahayd Markii ay Qarqoontay Dooni ay Saarenaayeen 500 oo Dhalinyaro t

Tahriibayaal ah oo  aya ku jiraan ku Dhawaad 200 ay ahaayeen Reer Somaliland sida ay u sheegeen warbaahinta caalamku.

.

Tahriibayaasha dhalinyarada ah ee Reer Somalinad ayaa ku jira Jeelasha Liibiya iyo Talyaaniga iyagoo Xaaladooda Caafimaad ay aad u Halistahay ayna haysan Daryeel Caafimaad oo ku filan.

Waalidiidiinta Somaliland ayaa ugu Baaqay,iyo Shacabka Reer Somaliland ayaa u soo jeediyaya in badan Madaxweyne Silaanyo  in uu Sameeyo Shaqo abuur kaas oo au ku Balanqadeen wakhtigii uu  codka shacabka ay hananayeen Xisbiga Kulmiye

Dhalinayarada ka tahriibaysa Gobolada Somaliland ayaa maaliunba Maalinta ka danbaysa ay sii Badanayaan

 

 

Hadaba Su\aasha Layswaydiinaayo Ayaa Ah Maxaa uga qorshaysan xukumada Somaliland Dhalinyarada Tahriibaysa????

 

 

Maxamed Cali Boodhle.

Burcomedia Repoter.

Burco Office