Wasiiro Uu Horkacaayo Wasiirka Ciyaaraha Oo Burco Ka Bilaabay Olole Uu Iskaga Horkeenaayo Dhalinyaradda Iskuuladda Ka Dib Markii Ay Cuqaasha Burco Waji Gabax Kala Kulmeen.

Filed under: Latest News |

Burco-(BM)-Wasiirka Ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir oo labadii cisho ee u danbeeyay ku sugnaa xarunta gobolka Togdheer ayaa magaalada Burco ka bilaabay Olole ay iskaga horkeenayaan dhalinyaradda walaalaha ah ee wada dhigta  Dugsiga sare ee Sheikh Bashiir sida ay Burcomedia u xaqiijiyeen Ilo xogogaal ahi.

Wasiiraddan oo la sheegay in uu weheliyo Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa iska horkeenka ardaydan bilaabay ka dib markii ay shalayto ku fashilmeen isla markaana Waji Gabax kala kulmeen shir ay la lahaayeen cuqaasha Burco oo ay ku doonayeen in  lagu weeraro Haldoorka Madasha Wada Tashiga iyo Xisbiyadda Mucaaridka Dooda Qaran ee ay qabanayaan ,fariintaasi oo Madaxtooyadda looga soo dhiibay Wasiiradan .

Wasiiraddan ayaa sida la xaqiijiyay ujeedooyikoodii hore markay fashilmeen iyagoo miciinbidaaya  Shalayto iyo Maanta kulamo hoosaadyo la lahaa qaybo ka mid ah ardayda dhigata Iskuuladda Burco gaar’ahaan Dugsiga Sheikh Bashiir si ay iskaga horkeenaan isla markaana munaafaqad u dhex dhigaan dadweynaha reer Burco.

Waxa jiray rabshado goos goos ah oo caawa Fiidkii dhex-maray qaar ka mid ah ardayda wax ka barata Iskuulka Sare ee Sheikh Bashiir ,kuwaasi oo ay boolisku kala kaxeeyeen iyo Waxgaradka Burco ,mana jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay ,waxaaney wararku intaasi raacinayaan rabshadahan in ay wasiiradani dabada ka riixayeen.

Isku soo wada duuboo Wasiirka Ciyaaraha ayaa hore u dhex-dhigay Ciyaartoyga gobolka Togdheer Munaafaqad iyo Xasarad aan xiligan Dawadeeda la helin ,taasi oo gobolka u horseeday in ay ka hadhaan tartankii Ciyaaraha isla markaana Bulshadda reer Burco ku reebtay Xusuus ma hadho ah iyo Niyad jab dhinaca isboortiga ah.

 

Burcomedia.com

Hargeysa Office.