Dooxa Weyn Ee Burco Oo Ku Faafay Xaafadaha Ku Xeeran Todobaadkii U Danbeeyay Roobabkii Xooganaa da’aayay Iyo Daadad Ku Soo Jabay.

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Roobabkaas ayaa  Guud ahaanba ka da’ay Gobolada  Somaliland taas oo ay Saadasha hawadu ay si Bayaamiyeen in Roobab Duufano Wata ay ku Dhufanayaan Wadamada , Somaliya . Somaliland iyo maamul    Goboleedka   Puntland.

Hase ahaate  Maamulka Gobolka  Togdheer  iyo Kan Degmada Magaalada Burco ayaan Diyaargarow iyo Wacyi galin aan u Sameyn Shacab Weynaha Magaalada  Burco

Gobolka togdheer ayaa waxa ku Sugan Dadyow Barakacayaal ah oo ka Soo Haajirey Dalka Somalliya iyo Dalka Itoobiya  Iyagoo ay ku Sugan yihiin Xaalad Nololeed oo aad u adag ayaa Waxa Bilaabmay Roobabkii Duufaanta  Watay

Roobabkaas ayaa Gobolka Togdheer  Ka Da’aayay Mudo Labo Maalin ah Iyadoo ay Xidhmeeen Adeegii iyo Isu Socodkii Gawadhida

Dhinaca kale Waxa Roobabkaasi Ay Khasaare aad u Ba’an ay Soo Gaadhsiiyeen Xaafadaha ku xeeran Dooxa Burco dhinacyadiisa kuwaasi oo ay daadkii soo maray ay ku faafeen isla markaana ay dhul horleh oo ay shicib daganaayeen uu Dooxu ku faafay Cabsi xoogana uu ku abuuray.

Birishkaas oo la Dhisay ila Mudo Hada Laga Joogo 50 Sanadood Waxaanuu Dhexda Ka Kala Jabiyaya Birishka oo Gacantiis ugu danbaysay Dalka China

Sidoo kale Waxa uu Khasaare xadidani gaadhay  Dadyowga Xoolo Dhaqatada ah ee Degen Agagaarka Dooxyada Waaweyn ee Magaalada Burco  Waxaana Xidhmay Isu Socodkii Miyiga Iygoo gawaadhida ka soo Qada caCanaha , Khudrada  Ay Soo Soconayaan Mudo 3 Casho Ah .

Masuuliyiinta Gobolka Togdheer ayaan ilaa Had Aan Wax Ba ka Qaban Meelaha uu u Gaysatay Khasaarihii Roobku  Waxaana Dhaako Dhaako ah Birishka Weyn ee ay Dul Maraan Gawaadhidu

Roobabkaas  ayaa Waa kuwii ugu baaxada weyna ee ka da’a gobolka togdheer  iyadoo khubarada saadasha hawadu ay sheegeen in Somaliland ay mudo ilaa3  casho ah ay ka da’ayaan Roobab Wata Duufano  Waxaana Ilaa  Ka Hadal Masuuliyiinta Gobolka Togdheer  Mana Jirto Diyaar Garow ay Kaga Hortagayaan Roobabkaas oo ay Sameeyeen

MAXAMED CALI BOODHLE

BURCOMEDIA REPORTER