Xanuuno Laga Cabsi Qabo In Ay Ka Dilaacaan Biyihii Roobka Oo Meelkasta Wadhan Magaaladda Burco Iyo Fariinta Dadweynaha

Filed under: Latest News |

Burco(BM)-Cabsi xoogan ayaa soo food-saartay dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco e xarunta gobolka togdheer ka dib markii todobaadkii u danbeeyay uu magaalada Burco ka da’aayay  Roobab mahiigaano ah aan noocooda hore gobolkaasi loogu arag Labaatankii Sano ee u danbeeyay kuwaasi oo 24-saacadood si daran-doori ah u da’aayay.

Cabsidan ayaa ka dhalatay ka dib markii ay Roobabkani  magaalada Burco ay kaga tageen Biyo laxad leh kuwaasi oo ay ku darsameen Qashin hore u buux-dhaafiyay magaalada Burco ,kaasi oo ay waxba ka qaban-wayday dawladda Hoose. ee Burco isla markaana laga cabsi qabo in ay ka dilaacaan Xanuunadda faafa sida shuban biyoodku .

Magaaladda Burco ayaa waxa lagu arkay meelo aad qadh-muunka iyo Urta ka dhalatay nadaafad-xumadda ku habsatay  aad cararaysid markaad agmarayso ,taasi oo ay shicibku walaac xoogan ka muujiyeen.

” Anigu waxaan ka mid ah Hooyooyinka nolol maalmeedkooda caruurtooda u soo saara ee Sariibadan ka shaqeeya ,waad aragtaa Biyaha roobka ee agtayada jiifa ,waxa kale oo halkan idiinka muuqda Qashinka Sariibadda yaala iyo meelaha ku dhow dhow ,waxaaney ahayd Dawladda Hoose sida ay cashuur ururinta ugu dhago-nugulyihiin in ay nadaafada Sariibadana ugu dhago nuglaadaan si loo ilaaliyo caafimaadka bulshadda isla markaana looga hortago xanuuno ka dhasha ,markaa waxaan leeyahay golaha deegaanka cusubi sidii laga filaayay uma shaqeeyaan ,odhan maayo ma shaqeeyaan laakiin  shaqadoodu waa gaabis ” Sidaasi waxa tidhi Maryan Axmed oo ka mid ah haweenka ka ganacsada Sariibadda weyn ee Burco oo u warantay Shabakadda Burcomedia.

Caasha Cali Diiriye oo iyana ka mid ah haweenka Hiliblayaasha ah ee Sariibadda kale ee Ga,ha ayaa usoo jeedisay Dawladda Hoose in ay nadaafadda Sariibadaha iyo guud’ahaan magaalada wax ka qabashadooda awooda saaraan maadaama lagu jiro xili roobaad waxaana hadaladeedii ka mid ahaa . ” Sariibadu waxay leedahay meelo qashinka lagu guro oo dhinaca nagu haysa ,qashinkii oo buuxa oo Dawladda Hoose sahashatay ,ayuu roobkii da’ay biyihii Qashinka ka soo baxay Sariibadda ayay noogu soo galeen ,taasina waxay sababtay in Sariibadda la galiwaayo ,waxaaney  nagu kaliftay in aanu gacmahayaga Sariibadda ku nadiifino intii awoodayada ah ,markaa imika waxa noogu daran meelihii Qashinka Dawladda hoose u samaysay ayay biyihii roobka iyo Qashinkii wadayaalaan urtoodana markaad agmarayso waad cararaysaa waxaanan leeyahay Golaha deegaanka awooda saara sidii aydu nadaafadda Sariibadaha iyo meelaha halbawlaha ah ugu dadaali lahaydeen “.

Geesta kale waxa iyana cabasho ka muujiyay  biyahan roobka ee meelkasta ceegaaga iyo Qashinkan laga cabsi qabo in ay xanuuno ka dhashaan dadweyne farobadan oo ku dhaqan gudaha magaalada Burco ,kuwaasi oo Dawladda Hoose ugu baaqay in ay waxkaqabtaan si loo badbaadiyo caafimaadka bulshadda .

Roobabkan mahiigaanada ah ee ka da’ay magaalada Burco ayaa baaxadsiisa dadka arimaha Roobka ka faaloodaa ku tilmaameen Labaatankii Sano ee u danbeeyay in aaney Burco ka da’in maadaama Laba habeen iyo maalin dhan aanu kala qaadin ,isla markaana waxa xusid mudan ma jiraan wax khasaare ah oo uu gaystay . .

 

Burcomedia,com

Burco Office.