Xil dhibaan Reyte oo 2-0 kaga badiyey Cali Mareexaan By Maxamuud Shidane.

Filed under: Articles-Maqaallo |

ugu horeyn salaan aad u qiimo badan ayaan u dirayaa dhamaan dadweynaha reer somaliland gaar ahaanna warbaahinta madaxa bannaan

intaas dabadeed waxan halkan doonayaa inan idinkula wadaago ciyaartii siyaasadeed ee dhex martey labada xildhibaan ee ka wada tirsan golaha wakiilada ee kala ah xildhibaan REYTE iyo Xildhibaan CALI MAREEXAAN, ciyaartaaso ku saabsanayn kadib isku shandheyntii guddi hoosaadyada aqalka wakiilada somaliland ayaa wuxuu sababay in xisbiyadda mucaaradka ah iyo xisbiga muxaafidku ku tartamaan hoggaanka guddi hoosaadyada, guddiyada aadka diirada loo saarayey waxaugu weynaa guddiga joogtada iyo guddiga arimaha Gudaha,

Haddaba, ku tartanka guddoomiyaha guddiga arimaha gudaha ee wakiilada ayaa waxay noqotey ciyaar aad u xiiso badan taas oo dhex martay xisbiga kulmiye oo dhinac ah oo uu hogaaminayo xildhibaan cali mareexaan oo doonayey guddoomiyaha guddiga iyo xisbiga WADDANI oo uu hogaaminayo xildhibaan REYTE oo u tartamayey guddoomiyaha Guddiga.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaan Reyte iyo xisbiga WADDANI ayaa soo bandhigay siyaasad hufan oo soo jiidatey guddigii, halka uu xildhibaan cali mareexaana isku deyey inuu isticmaalo awoodda madaxweynaha oo uu ka dhigto game uu ku ciyaari karo, hase yeeshee umay suurto gelin.

xildhibaan reyte ayaa hadda ah guddoomiyaha guddiga arimaha gudaha kuna guuleystey codka guddi hoosaadka helayna saxeexa aqlabiyadda guddiga

sidaas awgeed waxan halkan hambalyo uga dirayaa xildhibaan reyte iyo xisbiga waddani oo gaadhey guul aad u qaali ah waxanan rajeyneynaa inu noqdo goluhu mid arimaha bulshada horyaal wax ka qabta oo isbedelka la dareemo.

 

Wabilaahi Tawfiiq

Maxamuud Shidane

Hargeisa