Xildhibaan Waabeeye Iyo Xildhibaan Cali Mareexaan Oo Isku Gacan Qaaday Khilaafka Kulmiye Darteed.

Filed under: Latest News |

Hargeysa (BM): Laba xildhibaan oo ka tirsan xildhibaanadda Golaha Wakiilada Somaliland kuwooda ugu Guulwadaysan ayaa gacan ka hadal dhex maray, waxaanu gacan ka hadalkooda oo ka dhashay khilaafka kala irdheeyey Xisbiyahanada Kulmiye, Xildhibaanadan oo kala ah Xildhibaan Maxamed Xaji Yuusuf(Waabeye) iyo Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexan) oo ay ka dhaxaysay Saaxiibtinimo dheer balse uu kala fogeeyey khilaafka Xisbiga kulmiye ka dhex taagan al-aanadan.

labadan xildhibaan ayaa waxay is wadaarsadeen Hadalo qalafsan ka dib markii uu Xidhibaan waabeeyey Cali mareexaan uu ku eedeeyey inuu ka baxay balantii ay isla ogaayeen taasi oo ahayd in mid ka mid ah garabada Xisbiga Kulmiye taagerayaan, basle uu khiyaameyey oo ka baxay kaasi oo uu ku dhaliilay Gudigii Habarjeclo ee uu soo Raacay ee Samaale ergada ugu tagay ,taasi oo uu xusay in ay cadaynayso saaxiibtinimadiisu in ay qabyaalad salka ku hayso..

Geesta kale Isna Xildhibaan Cali mareexaan ayaa hadalo kulul u jeediyey Xildhibaanka kale ee ay is hayeen ee Waabeeye, isagoo ku eedeeyey inuu xisbiyada Mucaaridka u shaqaynayo ee aanu danta kulmiye ka shaqaynaynin.

Ilo xog ogaala ah ayaa intaasi ku daray in kadib markii ay intaa is waydaar ee gacanta isku qaadeen ay ku kala guntadeed qaar ka mid ah masuuliyiin Xisbiga kulmiye oo goob joog ka ahaa arintaasi markii ay dhacaysay.

 

Labadan Xildhibaan ayaa waxa aafeeyay oo ay ku heshiiyeen Musuq Maasuq iyo guulwadayn xad-dhaaf ah waxaaney ku suntanyihiin oo ay qayb ka qaateen Boobkii Doorashooyinka deegaanka ee Kulmiye ,waxaaney Labadan Xildhibaan soo iibiyeen waraaqihii cod-bixinta ee dalka rabshadaha u horseeday ka dib markii uu Kulmiye ku shubtay.

 

Burcomedia.com

Hargeysa.