Xildhibaanada Kulmiye Oo Si Mug Weyn U Taageeray isku-shaandhayntii Gudoomiye Cirro,Go’aankii Labada Guddoomiye-xigeen Ee Kulmiyena Daaqada Ka Tuuray

Filed under: Latest News |

Hargeisa-(BM)-Qaar ka mida  Xildhibaanada Golaha Wakiiladda ee ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wakiiladda ayaa si mug weyn u taageeray isku-shaandheyntii iyo iskubedelkii uu Guddoomiyaha Golaha Cabdiraxmaan Cirro ku sameeyey Xildhibaanada Golaha dhawaan, Sidoo kale waxay xildhibaanadaasi waxba kama jiraan ku tilmaameen go’aankii ay shalay labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Wakiiladdu soo saareen,sheegeena inay laaleen iskushaandheyntii gudi-hoosaadyada golaha ee gudoomiye Cirro sameeyay.

Xildhibaan Cumar San-weyne oo hadda loo doortay Gudoomiyaha gudiga dhaqaalaha, Xildhibaan Ibraahim Rayte oo ah gudoodmiyaha Gudiga arimaha gudaha iyo difaaca iyo Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale oo ah Xoghayaha Gudiga arimaha gudaha iyo difaaca oo sadexdooduba ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye,kana soo jeeda beesha  barriga Burco ee madaxweyne siilanyoka soo jeedo ayaa si kulul ugu eedeeyay labada Guddoomiye ku-xigeen oo iyaga laftooduna ka tirsan xisbiga Kulmiye  Baashe Maxamed Faarax iyo Cali X.Yuusuf inaanay Kulmiyena waxba u doonayn, xukuumadna waxba u doonayne ee ay shakhsiyaad wax la rabaan, waxaanay go’aankii ay shalay soo saareen ku tilmaameen in aanay awood u lahayn ee khlakhal golaha ka wadaan.
Sadexda Xildhibaan ayaa xusay in sharciyadda Golaha cida awooda ugu saraysa lihi  uu yahay Guddoomiyaha Golaha Cirro,balse labada Ku-xigeena aanay awood lahayn, waxaanay ku tilmaameen niman go’aamadoodu is-burinaya iyagoo si gaara farta ugu fiiqay Cali Yuusuf inuu go’aanka hore u saxeexay isla markaana doorashadii guddiyada gudahooda uu guddi walba faylkeeda ka qabanayey markay is-doortaan.
Taa ka sakow Sadexda Xildhibaan ayaa hadalkoodu u muuqday inaanay Xukuumadda iyo Xisbigooda toona wax la diidanayn hase yeeshee ay diidan yihiin shakhsiyaad sharciyaddii Golaha loo bur-burinayo ,laakiin way ka gaabsadeen inay shakhsiyaadda carabaabaan, wallow ay saxaafaddu maalmahanba qoraysay in Xildhibaan Cali Mareexaan ku soo gabanayo xukuumadda Siilanyo,isla markaana uu Liqi kari la’ yahay Xildhibaan Rayte oo kaga adkaaday Tartankii guddoomiyanimada Guddida Arrimaha gudaha, Nabadgelyada iyo Difaaca.
arintu si kasta ha u murugtee  hadalka sadexda Xildhibaan ayaa muujinaya in khilaaf weyn iyo kooxaysigii xisbiga Kulmiye oo kale ka dhex taagani uu iyana dhinaca Golaha ka dhex jiro oo ay ay isku khaarajinayaan kuwo madaxtooyadda laga soo dhaweysto iyo kuwo aan albaabka ka gelin isla markaana aar-goosi ka wada Golaha gudahiisa.

.
Geesta kalena, hadalka sadexda Xildhibaan wuxuu kashifayaa, hoosna u dhigayaa weerarkii ay xukuumadda Siilanyo  ku haysay Mucaaradka iyo Guddoomiye Cirro maadaama ay isaga dhigeen warmihii lagu soo ganayey oo dhan.

Isku soo wada duuboo shirka jaraa’id ee ay sadexda xildhibaan qabteen waxaa ka bidhaamay bisayl siyaasadeed oo meesha lagaga saarayey wanjalaada la kala dhex dhigayey Xukuumadda iyo Golaha, arrintaas oo aad moodo in dad dano gaar ah wataa abaabulayaan sida ay ku doodeen Xildhibaanadu.

 

Burcomedia.com