Xisbiga UCID- Oo Si Kulul U Canbaareyey Cunsuriyad Xukumada Siilanyo Ula Badheedhay Weriye War Ka Soo tebiyey Shir Faysal Cali Waraabe Ka Qeyb Galay

Filed under: Articles-Maqaallo |

Hadaba Waxaa Wax lala Yaabo Oo Laga Yiq Yiqsoodo Ah In Warkii Guusha Qaran Ahaa Ee Ay Aheyd In T.vga Qaranku Leeyahey U Soo Gudbiyo Bulshada Reer Somaliland Uu Maamulka Wasaaradu Warfaafintu Kala Hortago Wariyihii Warkaa Soo Duubey Cabudhin iyo Cago Jugleyn,Iyada Oo Lagu Eedeynayo Maxaad U Soo Duubtey Guusha Mucaaradku U Soo Hooyey Qaranka Somaliland

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

ucid 

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأف

_______________________________________________________________________ 

REF: SUM: 2030 16/11/2013

WAR-SAXAAFADEED

UJeedo/Canbaareyn Aad U Xoogan Oo Ku Saabsan Cunsuriyadda Lagula Kacay Wariye Siciid- Maazim Axmed Cawaale

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelku Waxaa uu War-Saxaafadeedkan COD DHEER Shacbiweynaha Reer Somaliland Ugu Sheegayaa In Guul Caalamiya  Xisbiga Ucid Ka Soo Hooyey Shirkii Caalamiga Ahaa Ee Ka Dhacey Dalka Turkiga Ee Ay Isugu Imanayeen International Socialist ama (Xisbiyada Hanti Wadaaga Caalamka )

Shirkaas Oo Lagu Casuumey Xisbiga Ucid Oo Kaliya Somaliland Ayaa Hadana Magaca Xisbiga Ucid Uu Kaga Qaybgaley Shirka Caalamiga Ah Ayaa Ahaa XISBIGA CADAALADA IYO DARYEELKA EE SOMALILAND

Taas Oo Shirka Aad Ka Dhex Arkeysey Magaca Somaliland

Hadaba Waxaa Wax lala Yaabo Oo Laga Yiq Yiqsoodo Ah In Warkii Guusha Qaran Ahaa Ee Ay Aheyd In T.vga Qaranku Leeyahey U Soo Gudbiyo Bulshada Reer Somaliland Uu Maamulka Wasaaradu Warfaafintu Kala Hortago Wariyihii Warkaa Soo Duubey Cabudhin iyo Cago Jugleyn,Iyada Oo Lagu Eedeynayo Maxaad U Soo Duubtey Guusha Mucaaradku U Soo Hooyey Qaranka Somaliland

Mana Aha Markii Ugu Horeysey Ee T.ga Qaranka Iyo Radio Hargeysa uu Ku Kaco Falkan Noocan Oo Kale  Ah,Waxay Aheyd Sanadkan Horaantiisii markiii Musharaxa jagada Madexwayne Ee Xisbiga UCID mudane Jamaal Cali Xuseen uu ka qayb galay Shir ama Kulan  Lagu Casuumey Oo Ay Isugu Imanayeen Dalka Maraykanka Ee Cariga  Minnesota (barlamentery iyo Senator’ska )  

Isaga Oo 169 mudane Halkaa Kula Kulmey isla Markaana Musharaxu Ka Jeediyey Khudbad Taariikhiya Oo Soo Jeedisey Indhaha Caalamka, taas oo Aheyd  Guul taariikhiya oo u Soo hoyatay Bulshada Reer Somaliland oo ay ahayd  in loo soo Tebiyo Shacbigeena, Calamkana aan ka iibino laakiin nasiib daro warka  waxaa la Dhigey Hoosta Oo Waa La Qariyey

Waxaas Oo dhami Waxay Cadeynayaan In Xukuumada iYo Wasaaradda Warfaafintu Ay Kala Garan la,dahey Baahinta  Qaranimada Somaliland Iyo Dagaalka Ay Kula Jirto Mucaaradka

Hadaba isaga oo aynu ognahay in t.vga Qaranku oo ka Miisaaaniyad badan yahay Afar Wasaaradood oo qaranku leeyahay  ayaa hadana waxa wax lala yaabo ah in Masuuliiyinta Tv-ga qaranku ay u dhaqmaan si ka baxsan milgaha iyo sharafta uu leeyahay Xilka ay dadweynaha reer Somaliland ugu magacaaban yihiin Taas oo aynu Og nahay in Eexda iyo Sharafta kala Saraysiinta Wararka Ee Axsaabta Mucaaridka ah iyo kuwa Xukuumadda ay Caadaysteen cid kastaaba og tahay,

 waxana taas u Daliil ah in Shirarka Jaraa’id iyo Barnaamijyada labada Xisbi qaran ee Mucaaridka ah ee UCID iyo Waddani ay wax iska caadi ah ka tahay in aan Tv-ga Qaranka laga soo daynin ama hoosta la dhigo inta ay waliba ka soo duubaan

Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Waxaa Uu Marlabaad Canbaareynayaa Falkaa Foosha Xun Ee Wasaaradda Warfaafintu Kula Kacdey Wariyaha Siciid-Maazim Oo Ah Muwaadin Bilad Sharaf Mudan isla Markaana Aan Gayin Arimaha Fadeexada Ah Ee Wasaaradda Warfaafintu Kula Dul Kuftey

 

yus

XOGHAYAH WARFAAFINTA EE XISBIGA UCID                                

                            YUUSUF KAYSE ALL/AHI

            ………………………………………………………………

Alaa Mahad Leh