Xisbiga Wadani Oo Soo Saaray Warsaxafadeed Uu Ku Taageeraayo Maalinta Saxaafadda Somaliland Iyo Xogo Kale.

Filed under: Articles-Maqaallo |

Hargeysa(BM)-Warsaxaafadeed: Maalintani Waxay Kusoo Beegmaysaa Iyadoo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ay Qodayso Qabrigii Lagu Aasi-lahaa Xoriyatal Qawlka Iyo Madaxbanaanida Saxaafadda Xorta Ah

Iyadoo ay barri ku beegantahay maalintii saxaafadda Somaliland wuxuu xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI bogaadin hawada u marinayaa warbaahinta madaxabanaan ee Somaliland.

Saxaafadda madaxabanaani waxay door muhiim ah ka qaadatay hirgalintii dimuqraadiyadda iyo ilaalinta xoriyatal qawlka ay Somaliland ku soo caano maashay.

Saxaafadda madaxabanaani way ku amaanantahay dedaalka ay ugu jiraan sidii qarankani uga badbaadi lahaa kalitaliye ku tagrifala awooda kursiga iyo hantida umadda sidoo kale waxay taariikhdu qoridoontaa sida saxaafadda madaxabanaani ugu dhabar adaygtay hawsha culus ee ay umadda Somaliland u hayaan iyo hagardaamada ay inta badan kala kulmaan xukuumadda talada haysa.

Maalintani waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay qodayso qabrigii lagu aasi lahaa xoriyatal qawlka iyo madaxbanaanida saxaafadda xorta ah ee ay umaddani inta badan soo ilaalinaysay.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxuu ka xunyahay sida karaamo darrada ah ee xukuumaddani u bahdishay warbaahintii dawladda uguna adeegsanayso in lagu aflagaadeeyo xisbiyada mucaaridka ah iyo muwaadiniintii bixinayey cashuurta ay warbaahinta dawladdu ku shaqayso.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxuu warbaahinta Somaliland u rajeynayaa mustaqbal ifaya iyo madaxbanaanida taamka ah ee dastuurku u damaanad qaaday.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Md. Maxamed Xasan Dirir