Xog ku Saabsan Dhismaha Wadada Ceerigaabo By. Dr Cali Rooble

Filed under: Articles-Maqaallo |
Way fududahay in siyaasiyiinta kursi doonka ahi ay meelo badan dhagxaan dhigaan ama si dhib yar u yidhaahdaan waxaan dhisayaa mashaariic waaweyn oo laga yaabo inaanu fikradba ka haysan culayska dhaqaale ee mashruucaasi leeyahay iyo waqtiga lagu fulin karayaba.

Waxaynu marar badan maqalnay wasiir ama masuul sare oo leh wadada ceerigaabo ayaan dhisayaaye lacag halasoo ururiyo ama halaga qeyb qaato. Hadaba markaynu eegno wadada ceerigaabo oo dhererkeedu ku dhow yahay 350km waxay u baahan tahay dhaqaale ku dhow 60 ilaa 70 Million$ marka la rabo in laga dhigo wado laami standard ah. Markaa suuragal maaha wadada dhaqaalaha intaa leeg u baahan in lagu dhisi karayo lacag yar oo laga soo ururiyey 100 qof oo xaflad laysugu keenay ama caruurta iskuulada dhigata.

Dhanka waqtiga markaynu eegno waddo dhererkeedu yahay 350km oo laami ah waxay u baahan tahay muddo aan ka yarayn 10 sano marka qalabkii iyo alaabtii dhismuhuba aanay maalin qudha kala go’in. Markaa suuragal maaha in waddo u baahan in lagu dhiso ugu yaraan 10 sano uu nin siyaasi ah oo laga yaabo sanad ama laba sano oo danbaba inaanu meesha sii joogin uu yidhaahdo wadada ceerigaabo ayaan dhisayaa.

 

Isku soo wada duuboo warkan ku saabsan dhismaha wadada ceerigaabo waa riyo aan run ahayn iyo far keliya oo la doonayo in fool lagu dhaqo.

 

Dr.Ali Rooble

roobaale@gmail.com

Oslo-Norway